Maxaad kala Socotaa Beelaha ee kasoo jeedaan Xildhibaanada ugu badan ee wada Mooshinka lagu ridayo Xukuumada Soomaaliya

Maxaad kala Socotaa Beelaha ee kasoo jeedaan Xildhibaanada ugu badan ee wada Mooshinka lagu ridayo Xukuumada Soomaaliya

daajis.com:-Xildhibaabo tiro badan ayaa Gudoonka Baarlamaaka Soomaaliya waxa ee gacanta u galiyeen Mooshin ka dhan ah Xukuumada Federaalka Soomaaliya uu R/Wasaaraha ka yahay C/Faarax Sheyrdoon (Saacid) Mooshinkaa oo la doonayo in Xukuumada lagu rido.


Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa qeylo dhaan bilaabay markii Xukuumada Soomaaliya ee taliyaal cusub u magacawday Booliiska iyo Nabad Sugida Soomaaliya taa oo keentay in qaar kamid ah Xildhibaanada ee ka caroodaan markii ee waayeen xilkii ee Beeshooda ku laheed Taliska Ciidanka Soomaaliyeed.

Xildhibaano badan ayaa hada Muqdisho kawada isxulufeesi ee ku doonayaan in lagu rido R/Wasaaraha Soomaaliya oo maalintii shalay Gudoonka Baarlamaanka uu ugu yeeray R/Waaaraha in uu hor yimaado Baarlamaanka uuna weediisto codka kalsoonida .

Xildhibaanada ugu badan ee wada ,Mooshinka lagu ridayo Xukuumada Soomaaliya ayaa kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Daarood kuwaa oo gadaal ka riixayaan Xildhibaanada Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Faroole.

Xildhibaanada Digil iyo Mirifle ayaana ah kuwa ugu badan ee Mooshinka wada Waxa eena sidoo kale taageero ka helayaan Xildhibaanada kaSoo jeeda , Beelaha Majeerteen , Ogaadeen , Dhul Bahante kuwaa oo dhamaan katirsan Beesha Daarood.

Xildhibaanada Digil iyo Mirifle ayaa iyagu ka careesan Xil kaqaadistii Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed lagu sameeyay halka Xildhibaanada Beesha Daarood gaar ahaan kuwa aan soo xusnay iyana ka careesan yihiin diidmada ee Dowlada diiday Maamulka Jubaland State iyo Arimo kale aan toos loo soo shaac bixin.

Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha Hawiye , Dir iyo Beesha Shanaad ayaa iyagu inta badan wada abaabul ee ku bad baadinayaan Xukuumada R/wasaare Saacid , waxaana jira Xildhibaano tiro yar oo katirsan Beelahan oo iyana ka mid ah kooxda Xukuumada ku kacsan kuwaa oo Jeebla lacago loogu buuxiyay sida aan Warar ku helnay.

Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska R/Wasaaraha waxaa xiligan kasocda abaabul lagu bad baadinayo Xukuumada R/Wasaare Saacid oo xiligan mareysa meeshii ugu xumeed iyadoona laga cabsi qabo in la rido Xukuumada hadii aan la helin qorsho kale oo lagu kala fur furo Xildhibaanada Mooshinka lagu ridayo Xukuumada wada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada