Haweeney Mareykan ah oo lagu Qafaashay Soomaaliya oo ka hadashay Qaabkii Loo Qafaashay!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Haweeney Mareykan ah oo lagu Qafaashay Soomaaliya oo ka hadashay Qaabkii Loo Qafaashay!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Haweeney u dhalatey dalka Mareykanka oo ay ciidamada dalka Mareykanka ka soo furteen kooxo Soomaaliyeed qafaalasho ugu haystey dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka warantay habkii ay ku soo furteen ciidamada SEAL ee soo badbaadiyey iyadoona ay haweeneydaas ay ku faantay inay tahay qof American ah arintaasna ay u suurogalisay soo furashadeeda. 


Jessica Buchanan oo ah haweeney u dhalatay dalka Mareykanka islamarkaana ka howlgalaysay heyadaha caawiya dadka gaar ahaan caruurta wadmada Afrika oo uu weheliyo Poul Hagen Thisted oo u dhashay dalkaas Denmark oo ay kooxo burcad Soomaaliyeed ku qafaasheen dalka Soomaaliya ayaa waxay ka sheekeysay sida ay u soo badbaadiyeen ciidamada kumandooska dalka Mareykaka ee loo yaqaan SEALs, Haweeneydaan ayaa waxay sheegtay in lagu haayey meel cidla ah geed hoostiisa islamarkaana ay seexan jireen banaankaas iyadoona sheegtay inay habeenkii uu yahay qaboow iyo marar uu roob ku da'o, Cuntada ayey ku sheegtay inay ahayd malaay iyo rooti, 

Haweeneydaan ayaa waxay sheegtay inay ku xanuunsatey oo laga qabtey kalida, arintaas oo markii ay gaartey dhaqaatiirta iyo FBI la sheegay hadii ay sidaas ku sii jirto inay nolosheedu qaadan doonto 2 todobaad oo qura taas oo keentay in la go'aansaday in la soo furto haweeneydaas, Ka dibna waxaa habeenimo saq dhexe ay ka war heshay haweeneydaas iyadoo ay rasaastu ay is qabsatey, waxaan u maleeyey kooxda Alshabaab oo rabta inay i qafaashaan oo ay i dilaan ayey tiri haweeneydaas. 

Laakiin arintu sidaas ma noqon oo waxaan maqlay qof magacayga iigu yeeraayo taas oo aan gartey inuusan hadalkaas ama lahjadaasi aysan ahayn qof Soomaali ah ee uu yahay qof American ah waxay igu noqotey yaab iyo inaan rumaysan waayo ilaa ay isku keysheegeen ka dibna goobta ayey iga soo ka xeeyeen ayagoo ila soo cararay, Intii la isoo waday ayaa ciidamadu ay shakiyeen iyagoona isku ku kay wareejiyey islamarkaana i qariyey aniga oo dhan si ay iiga difaacaan wixii i soo weeraro ka dibna waxaa na soo gaarey diyaarad Hellikopter ah oo aan orod iyo halhaleel ku fuulau ayey raacisay haweeneydaas hadalkeeda, Dadkii meesha ku haystay ayey waxay ku sheegtay inay la yaabtay wiil yar oo 10 sano jir ah oo ka mid ahaa kooxdaas, markii ugu horeysay ee aan maqlo codka wiilkaas yar waxaan u qaatey inay haweeney ka mid tahay kooxda na haysatey laakiin ayaa arkay inuu ahaa codkaas wiil yar oo muqaadaraadka uu qaadka ka mid yahay si aad ah u isticmaalo, runtii waan ka naxay markaan arkay in caruurtii aan u imid adlkaas inaan badbaadiyo ay ka mid yihiin kuwa i dhibaateynaayo oo loo sii tababaraayo burcadnimo ayey tiri haweenydaas oo ka hadlaysay arintaas. 

Ugu danbeyntiina iyadoo ay haweeneydaas ku faantay inay tahay qof American ah islamarkaana markii la soo badbaadiyey oo la soo saarey Helikopterkii soo qaadaysay ay ciidamada dalka Mareykanka ay huwiyeen calanka dalkaas ayay waxay sheegtay inay ku faraxday inay tahay qof Mareykan ah, Sidoo kale ayaa ninkii u dhashay dalkaasDenmarka ee lala soo badbaadiyey haweeneydaas waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ilaahau nasiib u siiyey in lala qafaasho naag u dhalatay dalka Mareykanka oo uu yiri inay haweeneydaas la'aanteed ay arintiisu adkaan lahayd, Ciidamadii soo furtey haweeneydaas ayaa waxay dhamaan cagta mariyeen xeradii ay ku haysteen haweeneydaas ragii qafaashay ayagoo sidoo kalena goobtaas ku dilay 9 ka tirsanayd ragii haystay haweeneydaas. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada