Faalo: Rafael Benitez Waxa Uu Mudan Yahay In Mahadcelin Iyo Amaan Uu Ka Helo Chelsea.

Faalo: Rafael Benitez Waxa Uu Mudan Yahay In Mahadcelin Iyo Amaan Uu Ka Helo Chelsea.

daajis.com:-Inkastoo tababare Rafael Benitez uu Chelsea ku hogaamiyay hanashada koobka Europa League xalayto, hadana taasi kuma kasbanayo jaceylka taageerayaasha Blues marka loo fiiriyo wixii kala dhexmaray iyaga iyo isaga markii uu macalin ka ahaa Liverpool, laakiin waxa uu mudan yahay in lagu amaano shaqadii uu qabtay.

Benitez ayaa la wareegay kooxda Chelsea xilli la ceyriyay Di Matteo islamarkaana Blues ay badisay kaliya labo kulan sideed kulan oo ay ciyaartay markaas. Waxa uu dhaxlay koox dhibaato daafac oo weyn ay heysato. Waxa uu dhaxlay koox inta badan ka farxalatay Champions League islamarkaana halis ugu jirtay inay seegto afarta kooxood ee horyaalka ugu sareysa.
Tababare ku meel gaar ahaan Rafa Benitez waxaa la weydiistay inuu kooxda u xaqiijiyo booskooda Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda iyo inuu koob uun geeyo Stamford Bridge xilli ciyaareedkan.
Benitez waa uu ka soo baxay shaqadii loo igmaday, waxa uu Chelsea ku hogaamiyay inay xaqiijistaan booskooda Champions League, waxaana uu xalayto u sahlay inay qaadaan koobkoodii labaad ee Yurub ah labo sanno oo isku xigta gudaheed.
Rikoorka Benitez ee Chelsea waa sida tan: Waxa uu ciyaaray 47 kulan, 27 kulan waa ay badisay kooxdiisa, 10 barbaro iyo 10 guuldarro, marka taas loo barbardhigo xilligii Di Matteo oo isna rikoorkiisa kooxda uu ahaa: 42 kulan uu ciyaaray, 24 kulan waa uu badiyay, 9 barbaro iyo sagaal guuldarro, taasoo ku tusineysa in farqi weyn uusan u dhaxeynin labada nin.
Waxa uu Benitez sidoo kale ku amaanan yahay inuu Fernando Torres ka caawiyay inuu u ciyaaro si ku dhow qaabkiisii hore. Inkastoo uusan weli ku soo laaban sidiisii hore laakiin hadana si weyn ayuu uga fiican yahay tan iyo xilli ciyaareedkii 2009-10.
Waxa uu Chelsea tagay xilli kooxda ay markaas go’aansatay inaysan qandaraaska u kordhinin Lampard, laakiin Benitez waxa uu fursad fiican siiyay xiddiga reer England taasoo u sahashay inuu jabiyo rikoorkii Bobby Tambling ee gooldhalinta Blues islamarkaana haatan keentay in kooxda ay dib uga fiirsato go’aankeedii hore, taasoo lagu amaani lahaa tababare kale hadii uu sidaas sameyn lahaa.
Waxa uu sameeyay shaqo uusan tababare England ah sameynin, isagoo si aayar ah line-upka kooxda uga saaray John Terry, laakiin hadana ciyaarsiiyay kulamo ku filan si uu uga fogaado in saxaafada ay had iyo jeer ku dhaleeceeyso inuu kabtanka keyd geliyay inkastoo uu isaga u arkayay in xalka daafac kooxda ay ku jirtay inuu sidaasi sameeyo.
Inkastoo uu ahaa tababare ku meel gaar ah hadana Benitez waxa uu waaray kulamo ahaan in ka badan Luiz Felipe Scolari, Guus Hiddink, Andre Villa-Boas iyo Di Matteo.
Iyadoo ay iska cadahay in Benitez uusan baaqi ku sii ahaan doonin Chelsea ka dib kulanka axada ee Premier League, hadana waxa uu qof walba oo Chelsea xiriir la leh ka mudan yahay mahadcelin iyo amaan, marka loo fiiriyo inuu qabtay shaqadii looga baahnaa.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada