Aqriso 8-Qodob oo sabab u ah in Dowladda Somalia ay ka gaabiso Arrimaha ka taagan Magaalada Kismaayo.

Aqriso 8-Qodob oo sabab u ah in Dowladda Somalia ay ka gaabiso Arrimaha ka taagan Magaalada Kismaayo.

daajis.com:-Xukuumadda Somalia ayaa waxa ay Tabaneysaa in Axmed Madoobe iyo Odayaasha Kismaayo ee taabacsan Axmed Madoobe ay ku kaceen Qodobo oo hoos u dhigeysa Sumcadda Dowladda Somalia.

Haddaba ka gaabinta Dowladda Somalia ee Arrimaha Kismaayo ayaa waxa ay ka dambeysay ka gadaal markii Dowladda Somalia ay dib u eegtay waxyaabaha ka socda Kismaayo ee wax u dhibaaya Sumcadda Qaranimo ee Somalia oo kala ah:-

1- Dowladda Somalia oo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Odayaasha dhaqanka ku eedeysay in Talada Kismaayo ay gacanta u galsheen Kenya.


2- Kaalinta Dowladda Somalia oo meesha laga saaray iyo Kenya oo aaminsan in Kismaayo uu kamid yahay Dhulalka Kenya.

3- Axmed Madoobe iyo Odayaasha dhaqanka oo isku raacay wax waliba oo ay Dowladda u keento inay kala tashtaan Saraakiisha Kenya, taasoo ay Xukuumadda Somalia ku jahwareertay isla markaana ay u aragtay in kaalinta Dowladda ay meesha ka maqan tahay.


4- Tallooyinka Dowladda ay u jeediso Siyaasiyiinta Dowladda iyo Axmed Madoobe oo aan laga helin wax jawaab ah iyo wax waliba ee ka imaada dhanka Dowladda oo Kenya lagala tashto.

5- Shirarkii ka dhacay Kismaayo ee dhowrka bilood qaatay oo Dowladda laga diiday inay faragaliso balse loo ogolaaday inay goobjoog un ka ahaato.

6- In dhaqaalaha ka soo baxa Kismaayo uu ahaan doono mid u gaar ah Maamulka Kismaayo oo aan Dowladda wax lagasiin, Taasina Dowladda waxa ay u aragtay in meesha aan laga Ictiraafsaneyn awoodeeda.

7- Awooda iyo Maamulka Garoonka Kismaayo oo gacanta u galay Saraakiisha Kenya, taasoo ay Dowladda ku weysay mid kamid ah Awoodaheeda Qaran.

8- Awoodaha iyo dhaqaalaha Kismaayo oo 80% loo wareejiyay Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Sababta keentay in Dowladda Somalia ay ka gaabiso Arrimaha Kismaayo ayaa waxa ay keentay 8-Qodob ee kor ku xusan taasoo ay Dowladda Somalia u aragtay in wax yaabaha ka socda Kismaayo aysan ahayn wax u cuntamaaya Dowladda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada