Mario Balotelli: La Yaab Iguma Aheyn In Mancini La Ceyriyay Laakiin Waxa Uu Ahaa Tababare Weyn.

Mario Balotelli: La Yaab Iguma Aheyn In Mancini La Ceyriyay Laakiin Waxa Uu Ahaa Tababare Weyn.

daajis.com:-Mario Balotelli ayaysan la yaab ku aheyn in Roberto Mancini laga ceyriyo shaqada Manchester City isagoo sheegay in tababaraha Talyaaniga iyo maamulka kooxda xiriirkooda uusan markii horeba hagaagsaneyn.

Balotelli ayaa waxaa City u soo saxiixay Mancini ka hor inta aan laga iibin AC Milan bishii Janaayo, waxaana uu sheegay in tababaraha ay isku wadanka yihiin inuu yahay tababare weyn.
Mancini ayaa waxaa la ceyriyay isniintii ka dib markii uu ku guuldareystay inuu ka soo baxo shaqadii ay ka doonayeen milkiilayaasha, waxaana la filayaa inuu booskiisa buuxin doono Manuel Pellegrini oo haatan Malaga jooga.
Markii wax laga weydiiyay ceyrintii Mancini, Balotelli waxa uu u sheegay CNN: “Xaqiiqdii lama yaabin laakiin waan la soo shaqeeyay waxaana uu ahaa tababare weyn, waxaana heysanay mid ka mid ah kooxaha ugu fiican aan la soo ciyaaray ee heysta ciyaartoyda ugu fiican.
“Ma aqaano sababtii ay u guuleysan waayeen. Laakiin sida iska cad dhibaato ayaa ka dhex jirtay gudaha kooxda. Haatan waxaan joogaa Milan sidaasi darteed ma aqaano waxa halkaas ka socda.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada