Qaab Noocee Ah Ayay Haweenka Soomalida U Cabiraan Jaceylkooda ? Xog Muhiim Ah

Qaab Noocee Ah Ayay Haweenka Soomalida U Cabiraan Jaceylkooda ? Xog Muhiim Ah

daajis.com:-Qalbigu wuxuu leeyahay sababo aaney maskaxda fahmi karin,laga yaabee in aymaskaxdaada ku weydiiso su’aalo badan oo aadan u heyn jawaab,marwalbo oo maskaxdaada go’aano ku siiso qalbigaaga kaama yeelo oo wuxuu ku siiyaa dareemo ka soo horjeeda maskaxdaada.

Jaceylku waa sababta ay wejigeena dhoolacadeynta uga muuqato,laakin malahan jaceylka damaanadqaad la xiriira inaaney illintaadu barkinta buuxin.
Waxaan u soo dhaweynaa inaan wax jeclaano ma ahan inaan helno qof fiican ee waa inaan barano qaabka ay fariimaha isu weydaarsado qalbiyadeena.
Hadaba qaab nuucee ah ayey haweenka Soomalidu u cabiraan jaceylkooda? ma jiraan aalado u gaar ah oo ay adeegsadaan?
Buraanburku
wuxuu ka mid yahay suugaanta Soomaalida gaarka u leedahay,wuxuuna noqon karaa fariin nabadeed, colaadeed,baraarujin, jaceyl ama neceyb intaba waa leysku weydaarsadaa.
Waa aalad haween badan ay warka ku kala qaataan,isugu jawaaban iskuna dhaafsadaan wixii aragti ah oo niyadooda ku jira, fariintaas buraanburka ah waxaa isku gudbo jiilba jiilkiisa kale si sahal ahna laguma ilaawo,tusaale ahaan aniga markaan iska soo qaado buraanbur dardaaran ah oo anigoo 25 maalmood dhalan loo tiriyey hooyadey ilaa hada wuu taagan yahay waxaana isticmaalo dad badan oo aan aqaano.
Gabdho badan ayaa dareenkooda marxaladaha noloshooda soo mara ka sameeya buraanbur qaarka waxey u tiriyaan qofka ay jecel yihii,waxaana ka xuseynaa ereyadaa.
Macaanow joogaaga lebiskaaga jecliyaa
Timaha jeegada u jaran laafyo jalaqsanoow
Jirkaaga rabi beysku jaray joogna kuu dhamee
macaan la joogaaga weligeyga waan jeclaa
wadnaha jeexiisi baad jeebka ku sidataa
hadeynaan wado joogin naftan juucba kama baxdee
macaanow soo jeeso weligaa u jilicsanow.
Mararka qaar waxaa laga yaabaa fariinta uu buraanburku gudbinaayo iney tahay aargudasha ah,haween badan waxey qabaan qof adigoo u baahan kaa dhaqaaqay soo rogaalcelintiisa in laga faa’ideysto cashir fiicana loo dhigo,ila fiiri fariintan ku socota ragga soo rogaalceliya.
marbaan ku qiimeen jiroo qaali ila aheyd
mar baad qalbigeyga sidii aayad ugu qorneed
qalinkii waan tuuray qadi waan ka tiray qalbiga
roobkii shalay noo da’aa raadkii iga tirtiray
qola kalaan siistay qalbigeyga qaaliyow
masoo rogaal celin karee raali iga ahow
Gabdha jaceylka halka dhinac soo mara waxey marwalbo isku dayaan sidey u heli lahaayeen xog ku saabsan
shaqsiga ay jecel yihiin waxaana laga yaabaa iney sidaan wax isku wareystaan.

Waryaa xabiibkeeyg arkoo iiga xaal warama
xogtiisi ogaadayoo xaafadiisi tegay?


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada