RASMI: 11 Sanadood Ka Dib David Moyes Oo Ka Tagay Everton Kuna Sii Jeeda Manchester United.

RASMI: 11 Sanadood Ka Dib David Moyes Oo Ka Tagay Everton Kuna Sii Jeeda Manchester United.

daajis.com:-Kooxda Everton ayaa xaqiijisay in tababare David Moyes inuu ka tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan, isagoo lagu wado inuu qabto shaqada kooxda Manchester United ka dib markii Sir Alex Ferguson uu ku dhawaaqay inuu ka fariistay shaqada.

Everton ayaa warbixin ay soo dhigtay bogeeda xilli dhow waxa ay ku sheegtay in David Moyes uusan tababare u sii ahaan doonin Everton wixii ka danbeeya xilli ciyaareedkan iyadoo qandaraaskiisa kooxda uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
“Tababaraha waxa uu la kulmay gudoomiye Bill Kenwright shalayto, waxaana uu u xaqiijiyay inuu doonayo inuu ku biiro Manchester United” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay Everton.
“Gudoomiyaha oo ku hadlaya magaca kooxda waxa uu u mahadcelinayaa David howshii weyneyd ee uu kooxda ka soo qabtay.”
David Moyes ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u bedelo ninka ay isku wadanka yihiin Sir Alex Ferguson kaasoo shalay ku dhawaaqay inuu isaga fariistay shaqada tababarenimo.
Moyes oo soo gabagabeeyay 11 sanadood uu joogay Everton ayaana lagu wadaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo inuu yahay macalinka United isla maantaba.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada