Sawiro: Bayern Munich Oo Maanta La Gudoonsiiyay Koobkoodii 23aad Ee Horyaalka Bundesliga.

Sawiro: Bayern Munich Oo Maanta La Gudoonsiiyay Koobkoodii 23aad Ee Horyaalka Bundesliga.

daajis.com:-Kooxda Bayern Munich ayaa maanta la gudoonsiiyay koobka horyaalka Bundesliga ka dib kulankoodii ay maanta 3-0 kaga badiyeen kooxda Augsburg.

Bayern oo isbuucyo ka hor xaqiijisatay hanashada horyaalka Bundesliga ayaana kulankii maanta lagu gudoonsiiyay koobka horyaalka waxaa ay guusha kaga mahacelinayeen Muller, Shaqiri iyo Gustavo.
Kooxda Bavarians oo sidoo kale joogta finalka Champions League iyo finalka FA Cup ayaana waxaa la gudoonsiiyay koobkoodii 2eaad ee Bundesliga, iyagoo xaflad weyn oo dabaaldeg ah ku qabsaday Allainz Arena.
Kulamada kale ee la ciyaaray maanta horyaalka Bundesliga kooxda kaalinta labaad Borussia Dortmund ayaa barbaro 3-3 la gashay Wolfsburg oo ay marti u ahaayeen.
Dortmund waa labo gool oo ka mid ah seddexda gool u dhaliyay Marco Reus halka goolka kale uu u saxiixay Bender, waxaana ay haatan isku diyaarin doonaan finalka Champions League oo 25ka bishaan ay London kula ciyaari doonaan Bayern Munich.
Schalke ayaa guuldarro 2-1 ay iyadana ka soo gaartay kooxda Stuttgart oo ay martigeliyeen, halka Bayer Leverkusen ay 3-1 ku qaarjisay kooxda Hannover.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada