Aabe Gabdhiisa Lacag ku siinaya si ay u joojiso isticmaalka adeega facebook-ga

Aabe Gabdhiisa Lacag ku siinaya si ay u joojiso isticmaalka adeega facebook-ga

daajis.com:-Aabe Gabdhiisa Lacag ku siinaya si ay u joojiso isticmaalka adeega facebook-ga Cabashada ka imaanaysa Isticmaalka Facebook-ga ayaa aad isku soo taraysa iyadoona caqliga Maangaabka oo idil noqday isticmaalka Facebook-ga iyo waqtiga badankiisa oo lagu dhumsho sheekada facebook.

Hadaba Aabo ka murgay gabadhiisa oo inkabadan 5saacadood isticmaalaysa facebookga maalin walba ayaa dadaal iyo juhdi fara badan ku baxshay sidii uu uga reebi lahaa.

Aabahan oo u dhashay dalka Mareykanka ahna nin degan magaalada Boston ayaa arkay gabadhiisa oo waqtigeeda inta badan ku bixiso isticmaalka Facebook, si kasta uu ula hadlo aabahaan gabadhiisa ayaan ku yeelan wax saameen aragtida gabadha.

Aabahaan ayaa markii danbe fikir cusub ula imaaday gabadhiisa oo ah in uu siiyo lagac gaareeso 200 dollar hadii ay cinwaankeeda hawada ka saarto (deactivate) mudo gaareeso 5 bil.

Gabadhaan oo ah gabar aad u yar da’deeduna tahay 14 sano jir ayaa aqbashay in ay ka gudoonto aabaheed lacagta, aabaha iyo gabadhiisa ayaa kala saxiixday hishiiskaan iyada oo heshiishkaan lagu qoray warqad labada ruux (aabaha iyo gabadha) wada saxiixeen.


Hishiiskaan ayaa hirgalaya laga soo bilaabo maalintii isniinta oo taarikhda ku beegneed 4/2/2013 heshiiskaan ayaa soo af jarmaya xiliga markii uu yahay 26 June 2013.

Aabahaan ayaa u hormarin doona gabadhiisa bisha April lacag gaareeso 50 dollar halka uu baaqiga ku harsan ee gaaraya 150 dollar uu bixin doono bisha June.

Gabadha ayaa ku wareejin doonta aabaheed password ka cinwaankeeda, halka uu aabaha ka badli doono password ka gabadhiisa kadibna uu cinwaanka gabadhiisa uu hawada ka saari doono (deactivated).

Qaar katirsan asxaabta gabadhaan ayaa ku taageeray iyaga oo sheegay in ay tahay tilaabo wanaagsan.

Facebook ayaa dad badan dhigay mustaqbal la’aan kadib markii ay waqtigooda inta badan ku bixiyeen isticmaalka, dadka qaar ee isticmaala facebook ayaa aaminsan hadii ay maalinkii aysan furin cinwaankooda facebook in jawiiga maalinkaas uu ka qasan yahay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada