Maalmihii la soo dhaafay ayay Ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya si wada jir ah howl gal uga fuliyeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada, waxaana ay ku soo qabteen hub iyo rasaas ay guryaha ka heleen.
Dadka deegaanka ayaa ku tilmaamay howl galkan inuu ahaa mid ka mid ah kuwii ugu ballaarnaa ee ay ka sameeyaan magaalada, iyadoo saameyn xoogan uu ku yeeshay.