Frank Lampard Oo Noqday Ciyaaryahanka Abid Ugu Goolasha Badan Kooxda Chelsea.

Frank Lampard Oo Noqday Ciyaaryahanka Abid Ugu Goolasha Badan Kooxda Chelsea.

daajis.com:-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Frank Lampard ayaa jabiyay rikoorkii Bobby Tambling isagoo noqday ciyaaryahankii abid ugu goolasha badnaa taariikhda kooxda Chelsea isagoo dhaliyay goolkiisii 203aad.

Super Frank ayaa goolkiisii 202aad ku barbareeyay rikoorka Bobby Tambling markii uu Chelsea u barbareeyay qeybtii labaad ee ciyaartii Aston Villa.
Waxaana goolkii guusha uu ugu sahlay Chelsea ay keentay inuu jabiyo rikoorkii Tambling oo uu noqdo ciyaaryahanka abid ugu goolasha badan taariikhda Blues.
10ka Ciyaaryahan Ee Abid ugu Goolasha Badan Chelsea:
MagacaSannadkaGoolasha
1 Frank Lampard2001–203
2 Bobby Tambling1959–1970202
3 Kerry Dixon1983–1992193
4 Didier Drogba2004–2012157
5 Roy Bentley1948–1956150
5 Peter Osgood1964–1974 & 1978–1979150
7 Jimmy Greaves1957–1961132
8 George Mills1929–1943125
9 George Hilsdon1906–1912108
10 Barry Bridges1958–196693

Weeraryahankii hore ee Chelsea Bobby Tambling oo soo gabgabeeyay mustaqbalkiisa ciyaareed oo 11 sanno ah uu ku joogay Stamford Bridge 1970kii ayaana rikoorkiisa la jabiyay maanta.
Lampard ayaana goolasha uu maanta u dhaliyay Chelsea ee uu guusha ugu sahlay waxa ay ahaayeen goolaashiisii 17aad ee xilli ciyaareedkan uu dhaliyo tartamada oo dhan.
Lampard ayaa Chelsea kaga soo biiray West Ham United sannadii 2001 qiimo gaaraya 11 milyan ginni.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada