Fariin Jaceyl : Toloow Xageed Iiga Timid? Ma Malaa’ig La Isoo Diray In Ay Nolosheyda Nuuriso Ayaad Tahay? Mise…

Fariin Jaceyl : Toloow Xageed Iiga Timid? Ma Malaa’ig La Isoo Diray In Ay Nolosheyda Nuuriso Ayaad Tahay? Mise…

daajis.com:-*Adigaa i baray farxada waxa ay tahay iyo macaanka nolosha, adigaa i tusay xanuunada qalbiga ku dhaca,sikasta oo aan kuugu careysanahay markaad ii dhoolacadeyso waan ilaawaa wixii xanaaq ah aan kuu qabay oo dhan.

*Adiga dartaa nuur iimalahan nolosha,maalmaha aad iga maqan tahay dunida oo dhan waa cidlo inkastoo dad badan ay horey iyo gadaal u socdaan.
*Waxaad tahay qof aan aad ugu riyaaqay,waxwalbo oo adiga kugu saabsana wa ay qurux badan yihiin.Toloow xageed iiga timid? Ma malaa’ig la iisoo diray in ay nolosheyda nuuriso ayaad tahay? Mise anigey iila muuqataa dunida oo dhan in ay xagaaga ka ifeyso ?
*Waxaan ahaan doonaa riyadaada iyo rajada noloshaada,wadajirkeena wuxuu isiiyaa awood aan ku wajaho dunida oo idil,waan kugu riyoodaan markaan hurdaayo iyo xitaa markaan soo jeedo mana jirto meel aan uga baxsan karo jaceylkaaga.
*Waxaan jeclahay shaqsiyadaad ,dhoolacadeyntaada iyo waxwalba oo adiga kugu saabsan haseyeeshee waxaa aad iisoo jiita kalsoonida aad naftaada ku qabto.waan dagaalnaa hadana heshiinaa laakin jaceylkeena ma noqon doona mid weligiis dhinta.
*Ma xusuusataa kulankeenii ugu dambeeyey waxaan dareemay inaan ku noolahay duni ka duwan tan caadiga ah daajis.com ,farxada iyo dhoolacadeyntuna wejigeyga kama faaruqin waxa ay ila noqotay in xiddigaha iyo dayaxuba ay diyaaar u yihiin iney marqaati ka noqdaan yididiilada aan dareemaayo.
Jaceylka runta ah wuxuu na baraa samir iyo dulqaad maalinba maalinta ka dambeysana waxaan ka baranaya macnaha sugitaanka leedahay iyo in nafwalbaa ay u baahan tahay wehel u gaar ah oo la qeybsata macaan iyo qaraarba.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada