Sidee wali ku isticmaali kartaa Windows Live Messenger hadii aad u bahato! Bal Wax ka Ogoow Arinkas?(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Sidee wali ku isticmaali kartaa Windows Live Messenger hadii aad u bahato! Bal Wax ka Ogoow Arinkas?(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Shirkada Microsoft ayaa waxaa la sheegay laga soo bilaabo bishii hore ee sanadkaan inay joojisay gebi ahaanba adeega sida aadka ah loo isticmaali jirey ee Windows Live Messenger oo ayna ku badashay Skype macaamiishana lagu qasbaayo inay u gudbaan oo ay qaataan adeegaas Skype. 


Laakiinse uu isticmaalka Skype uu sababay dhibaato baaxad weyn oo keentay inay dadku qaar jeclaan lahaayeen inay wali sii isticmaalaan Windows Live Messenger iyadoona ay jiraan dhowr hab oo aad wali dhib la'aan ku sii isticmaali karto adeegii hore ee Windows Live Messenger. 

Hadaba iyadoo shirkada Microsoft ee leh adeegaas Windows Live Messenger ay sanadkii 2011 ay la wareegtay adeega Skype islamarkaana ay macaamiisheeda ay ku qasabtey inay si qasab ah ay ugu wareegaan adeega Skype ayagoo isticmaalaaya accountigoodii hore ee Messengerka ayaa waxaa durbaba soo baxaayo cabashooyin ka yimid malaayiin qof oo ka mid ah macaamiishii horey u isticmaali jirtey Windows Live Messenger kuwaas oo ka cabanaayo inay la qabsan waayeen adeegaan cusub ee Skypeka islamarkaana uusan u saamaxayn adeegyo badan oo ay ka heli jireen Windows Live Messenger 

Sidoo kale hadii aad dooneysid inaad wali sii isticmaasho Windows Live Messenger waxaa arintaas kaaga filan adiga oo soo dajista ama soo downloadgareysta prograamka lagu magacaabo Messenger Reviver 2 ka dibna progaraamkaas marka hore u ogolaado cumputerkaada ka dibna wixii markaas ka dambeeya ayaa waxaad si caadi ah oo dhibaato la'aan ah aad mar walba aad u isticmaali kartaa Windows Live Messenger ayadoona aysan wax isbadal ah aysan ku dhicin sidii uu horey u ahaan jirey 

Ugu danbeyntiina iyadoo malaayiin qof oo ka tirsan dadkii isticmaali jirey ay wali sii wagaan isticmmaalka Windows Live Messenger xilli aysan arintaas ku faraxsanayn shirkada iska leh adeegaas maadaama ay isticmaalkiisa ay joojisay gebi ahaanba aduunka wixii ka danbeeyey bishii aynu ka soo gudubnay ee Apriil ayaan waxaan la aqoon inta uu sii socon doonaa adeegaan looga horyimid shirkada iska leh Microsoft oo ay rabtey inay macaamiisheeda ay ku qasabto isticmaalka Skype, iyadoona aysan hada gebi ahaanba suuro gali karin inaad si caadi ah aad u isticmaasho Windows Live Messenger marka reebo adeegyadii hore ee duqa ahaa ee laga gudbay sano badan ka hor kuwaas oo aan kuu ogoaaneynin wax badan oo ka mid ah adeeyada Windows Live Messenger. 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada