Diyaaradaha dagaalka Syria iyo ciidamada Mucaaradka dalkaas oo Xabad iskala daalay (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Diyaaradaha dagaalka Syria iyo ciidamada Mucaaradka dalkaas oo Xabad iskala daalay (Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Dagaalka ka holcaya dalka Syria ayaa waxa uu isku badalay mid fowdo ah oo guud ahaan dhulka dhigay ilihii dhaqaalada dalkaas waxaana faraha ka sii baxaya amniga dalka Syria oo ahaa xiliyadii hore mid aad u wacan kana wanaagsanaa dalal badan oo dhaqaalo leh. 



Ciidamada Mucaaradka ee ku kacsan madaxweeyne Bashar Al Asad ma heestaan Sawaariiqda lagu soo rido Diyaaradaha dagaalka sida Helikobtarada iyo Miigaga.


Ciidamadaan oo aanan leheen qibrad Milatari waa Shacab hubkii qaatay waxeeyna inta badan Diyaaradaha dagaalka iskaga dhiciyaan Qoryaha loo yaqaan Zuu-ga iyo Dhuumaha Shilkaha oo la fur furay . 

Hub aad u fara badan ayaa bilihii ugu dambeeyay gacanta u galay Ciidamada Mucaaradka dalka Syria ee ku kacsan madaxweeyne Bashar Al Asad balse weli Maleeshiyaadkaan ayaa waxa ay quus ka taagan yihiin Diyaaradaha dagaalka Milatariga dalkaas oo maalin kasta dhabar jabin ku sameeya kana soo gala jiho cusub oo aysan fileenin. 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada