War deg ah: Axmed Madoobe oo amar dul dhigay shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl gala Kismaayo.

War deg ah: Axmed Madoobe oo amar dul dhigay shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl gala Kismaayo.

daajis.com:-Axmed Madoobe, Hogaamiyaha kooxda Raas-kanbooni ee horay gacan saarka ula lahaa jirtay kooxda Shabaab hadana doonaya in uu hogaan u noqdo maamul Nairobi ka amar qaata oo la yiraahdo Jubaland ayaa waxa uu amar dul dhigay shirkada Isgaarsiinta Soomaaliyeed xarumaha ay ku leeyihiin Kismaayo.

Amarka la dul dhigay shirkadahaan isgaarsiinta ayaa waxa uu yahay in taleefoonka gacanta ay hawada ka saaraan waqti aan lacayimin oo ku aadan xilliga doorasha Madaxweynaha maamulka Jubaland.

Axmed Madoobe oo doonaya in uu majara u gaqbto maamulka maqaar saarka ah ee Xukuumada Ehuro Kenyata ay gadaal ka taagantahay ayaa waxa uu ku doonayaa amarkaan in uu uga hor tago wax khalaasa ah oo la geliyo xilliga doorashadiisa.

Si kastaba waxaa dhawan la sugayaa in ay odayaasha deegaanka qeybaha ay soo xusheen Kenyaatigu ay dooran doonaan madaxwynaha maamulka Jubaland oo ay u tar-tamayaan dhowr siyaasi hasa yeeshee doorashadaasi aysan ahyen mid cadaalad ah maadama ruuxa xilka loo rabaahi uu yahay Axmad Madoobe oo Kenyaatigu wataan qola kalana aysan aqbali doonin iyada oo taa ay dheertay in odayaasha la xulay dhamaan ay yihiin kuwa loo dhariyay in ay dooran doonaan ninka ay Kenyaatigu ku qaraabanayaan ee Axmed Madoobe.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada