Al-shabaab oo si layaab leh uga hadashay Xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho.

Al-shabaab oo si layaab leh uga hadashay Xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho.

daajis.com:-Afhayenka kooxda Shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa waxa uu si cajiib ah uga hadlay in xirnaansha wadooyinka Muqdisho uu ku sheegay kuwa dan laga leeyahay.

Waxa uu yiri, Cali Dheere, “Xirnaanshaha wadooyinka waxaa lagu doonayaa in shacabka lagu dhibo waxaa kale oo lagu doonayaa in ciidanka dowlada oo mushaar loo waayay ay shacabka ku dhacaan luuqyada marka gaadiidku ay xaafadaha marayaan. Luuq kasta waxaa ku sugan marya calas shacabka dhacaya. Xarakada Shabaab waa lagu mar marsiyoohaa ee wadadaasi lagama xirin”.

Waxa uu intaas sii raaciyay in wadooyinka Muqdisho lagu furi karo oo kali ah in shacabku ay kacdoon sameeyaan arintaas oo u muuqata mid Shababaku wali ay taageero uga raadinayaan shacabaka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan.

Hadalka Cali Dheere ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo Isbuuuc ay xiranyihiin wadooyin muhiim ah oo caasimada Soomaaliya dhaca kadib markii laga digay weerarro kooxda Shabaab ay shacab badan ku laayaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada