Maxaad ka taqaannaa ciwaanada wasaaradaha Soomaalida misa la socotaa in wax badan qaldanyihiin?

Maxaad ka taqaannaa ciwaanada wasaaradaha Soomaalida misa la socotaa in wax badan qaldanyihiin?

daajis.com:-Sida cid waliba la socoto xarun kasta oo dowlad ay sameyso, ha noqoto wasaarad, Wakaalad iyo wixii ka soo hara, waxaa loogu tala galay in shacabka ay u adeegaan oo cid kasta oo mawaadin ah oo dani ka gasho ay si fudud ula xariirto.

Si arintaasi si ay u taaba gasho ayaa waxaa xarumahaasi loo sameeyaa Adress-yo lagala xariiro arintaasi oo ah mid fududeyn karta xariirka shacabka iyo xarumaha dowlada.

Hadaba inaga oo halkaasi ka anba qaadeyna ayaan halkaan ku eegi doonaa qaabka xilligaan wasaaradaha Soomaaliya ay ula macaamilaan shacabka loogu tala galay in ay ugu adeegaan iyo qaabka ay ciwaanadii lagala xariiri lahaa ay u shaqeeyaan.

Ciwaanada wasaarahada lagala xariiro kan xillgaan ugu macquulsan waxaa lagu sheegaa taleefoonka gacanta oo uu wato wasiirka kaas oo aan inta badan la qaban si looga fogaado wax xariir ah oo uu la soo sameeyo ruux aan la garaneyn oo u baahan in loo fuliyo howl wasaarada ay uga baahantahay.

Tan kale oo shacab badan ka yaabi doonta ayaa waxa ay tahay in wasaaradaha qaar ay ciwaan u yihiin Fax dalka America ku dhacaya oo ay suuragal tahay in fariimaha ku dhaca ay ka jawaabi karto oo kali ah xaaska wasiirka wasaarada dantu kaa gashay.

Arintaan oo aan aheyn mid dowlada lagu canbaareynayo ayaa waxa ay tahay arin ku dhacday mawaadiniin Soomaaliyeed oo dani ka gashay qaar kamid ah wasaradaha dalka oo ku jaha wareeray caqabadahaan la yaabka badan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada