News” Dab ka kacay Aqalka cad ee looga arimiyo Dalkaasi Maraykanka.

News” Dab ka kacay Aqalka cad ee looga arimiyo Dalkaasi Maraykanka.

daajis.com:-Warbixinada laga helaayo Maraykanka ayaa waxa ay sheegayaan in dab uu ka kacay Aqalka looga arimiyo Dalkaasi Maraykanka.


Shabakadaha Iyo Warbaahinta  ayaa waxa ay daabaceen, in dabka ka kacay Aqalka looga arimiyo Maraykanka uu ahaa mid ka kacay qaybta galbeed ee aqalka cad, waxaana mar kaliya laga war helay qiiq iyo uuro ka kacaya, qolka xiriirka telefoonada ee wardoonka ilaalada ka haaya Aqalka cad.

Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dabka ka kacay Aqalka Cad, uusan geysan wax Khasaaro ah isla markaana dhibaato ku hayn madaxweynaha dalkaas, Barack Obama Dabka kadib ayaa waxa ay Saraakiisha Aqalka cad la hadleen Warfidiyeenada sheegayna in Xaaladda ay tahay mid degan isla markaana dabka uu ahaa mid ka kacay qolka Telefoonadda ee Aqalka cad balse uusan ahayn mid dhibaato ku ah Aqalka cad.

Si kastaba ha ahaatee, Qiica iyo uurada ayaa waxa uu sababay Qal qal u imaada dadkii ku sugnaa Agagaarka aqalka cad, balse durbadiiba waxaa dabkaasi damiyay Ciiddamadda aqalka cad ee isticmaala Gawaarida dab damiska.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada