Somaliland oo u diyaar garoobeysa dabaal dega 18-ka May, markii gooni isu taaga ku dhawaaqday

Somaliland oo u diyaar garoobeysa dabaal dega 18-ka May, markii gooni isu taaga ku dhawaaqday

daajis.com:-Magaalooyinka Somaliland ayaa waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dabaal dega 18-ka May, markii ay ku dhawaaqeen inay gooni isaga taageen Soomaaliya inteeda kale, ayna yihiin dal madax banaan.

Waxaa la filayaa in maalinta berri oo sabti ah in magaalooyinka Somaliland ka dhacaan dabaal degyada lagu muujinayo madax banaanida, inkastoo xilligan uu ku soo aaday xilli ka duwan sidii hore, isla markaana rajadii Somaliland ka qabtay in la aqoonsado ay mugdi sii galeyso.

Dadweynaha ayaa iibsanaya dharka ka sameysan calanka Somaliland, sida Koofiyadaha, Funaanadaha iyo calanka, waxaana maanta suuqyada ay noqdeen mid ciriiri ah oo dadka dhamaan ay u soo wada baxeen iibsiga calanka.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo la dhigay xarumaha muhiimka, fagaaraha kheyrriyada oo maalinta berri la filayo inay dadka isugu soo baxaan, halkaas ay kula hadlaan madaxda Somalilad.

Taliyaha Booliska Somaliland ayaa amar ku bixiyay in maalinta berri aanay wax dhaq dhaqaaq oo gaadiidka ka jiri doonin deegaanada Somaliland, iyadoo subaxdii ilaa galabtii aanay wax gaadiid shaqeyn karin, si loo xaqiijiyo ammaanka.

Munaasabada 18-ka May markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay gooni isaga taagtay Soomaaliya, ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dhowaan ay qaadacday shirkii London ee 7-dii bishan dhacay ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Somaliland ka mamnuucday deegaanadeeda diyaaradaha Qaramada Midoobey, kadib markii dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay maamulka Hawada Soomaaliya, taasoo ay aad uga carootay Somaliland.

Dadka falanqeeya siyaasada ayaa sheegaya in Somaliland cadaadis xoogan uga imaanayo Beesha caalamka, isla markaana ku tar tarsiinaya inay ka mid noqoto Maamulada Federaalka ee hoos taga dowladda Soomaaliya, taasoo ay aad u diidan tahay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com






Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada