Fariin Calaacal Ah : Waxaan Saadaaliyaa Maalintii Aan Kulmi Laheyn Si Kasto Oo Ay U Fogtahay

Fariin Calaacal Ah : Waxaan Saadaaliyaa Maalintii Aan Kulmi Laheyn Si Kasto Oo Ay U Fogtahay

daajis.com:-Dhulka meesha aad uga nooshahay waan ka jeclahay dunida inteeda kale, waayo waxaan kaa dugaashadaa ruuxdaada,waqtiyada wey isbedelaan laakin jaceylkaaga weli waa sidiisii inuu sii kordha maahee waxba iskama dhimin weli.

Maalmuhu waa mugdi hadii aadan ka muuqan agagaarkeyga oo aadan iigu deeqin dhoolacadeyntaada.

Dareenka caashaq ee aan kuu qabo waa mid qoto dheer oo salka ku hayo aragtiyo isku gudbiyey fariin,qalbiyo anagoo aanan dareemin isla hadlay. Waan kaa helay ma’ahan keliya in muuqaalkaaga i deeqay ee waa in aanan nolosheyda kuu hibeeyey.

Waxaad gacanta ku sidataa furaha laga xukumo qalbigeyga adiga ayaana u qalma inaan kugu aamino jaceylka aan baaxad laheyna,daajis.com, Daacadnimada iyo kalsoonida ayaa aasaas u ah hogaanka xiriirkasto waxaana kaa rajeyn doonaa inaad rumeyso riyada wadajirkeena.

Waxaan saadaaliyaa maalintii aan kulmi laheyn si kasto oo ay u fogtahay waan hubaa inaaney nafteyda xamili doonto maalintaas xuska mudan. Ogowna waan ku jeclaan doonaa inta naftu aan qabo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada