Wallee In Aadan Niyadeeda Waligaa Ka Baxeyn Hadaad Sidaan U Sameyso Ninyahoow.

Wallee In Aadan Niyadeeda Waligaa Ka Baxeyn Hadaad Sidaan U Sameyso Ninyahoow.

daajis.com:- Xilliyada xiisaha iyo soo jiidashada badanaa dhalinyarada ama raga aan iraahdee waxey dadaal xoogan u galaan sidey u soo jiidan lahaayeen gabadha ay ishoodu ka heshay, mid walbana wuxuu ku dadaalaa talaabooyin uu isleeyahay waad ku soo jiidan kartaa qoftaas, midbaa baabuur qurux badan soo qaata ama lebis qurux badan isugu roonaada, xariif kalana wuxuu isticmaalaa jeebkiisa oo wuxuu aaminsan yahay in lacagtiisa uu lacag ku jeceyl ku bedelan karo, hadaba aan idiin siiyo talaabooyin aad u fudud oo aad ku soo jiidan karto gacalisadaada.

Xushmad :bini aadamka sidiisuba waa u dhego nugul yahay qofka xushmeeya ee dhageysta ka koobiya waxa uu dareemaayo ama uu ka cabanaayo haweenkuna hadii ay ka helaan xushmad dheeri ah raggooda madaxa korkiisa ayey saartaa. Marwalba ula dhaqan sida qof caaqil ah camal marka aad la macaamileyso gabadha aad jeceshay.
Dareen leh Maad/Kaftan: Haweenka badankood aad ayey u jecel yihiin ninka kaftanka badan ee ku dheereeya madadaalada oo marka aad kulantiiba ku ilowsiinaayo waqtiga, waxaana la sheegay hadii aad ka qoslisiin taqaano haweenka waad hanan kartaa qalbigeeda, ha noqon qof marax ku ah kulamada shukaansiga hadii aad rabto inaad iska dhex aragto qalbiga gacalisadaada.
Garaad leh: Muuqaalka qurxan oo keliya kuuma fududeyn karto inaad hesho gaarida haween, waayo haweenku ma jecla nin doqon ah oo aragtidiisu gaaban tahay.

Haweenka aad ayey uga helaan ninka kartida leh ee caaqilka ah, marka ha ku dhaqmi saaxiibtaa horteed inaad weli tahay qalbi carruureed ama kaftamo doqonimo ah, isku day inaad marwalbo ku xisaabtanto qofka aad xiiseyno heerka ay mushtamaca kaga jirto.
Kalsoonida: waa arin ay haweenka badankood qiimeeyaan qofka isku kalsoon ee yaqaano waxa uu rabo ee aanan la gamban wuxuu damacsan yahay,hadii aad tahay qof isku kalsoon ogow waxaad nasiib u leeahay inaad hanato kalsoonida gabadha aad jeceshay,waayo haweenku ma dareeyaan raga hortooda daciifka ka ah ee aanan go’aano ku saabsan noloshooda qaadan Karin ama marwalbo talooyin ka soo qaata dad kale.
Masuuliyada: Haween badan aad ayey isugu dilaan raga masuuliyadooda aanan ka gamban, hadii aad tahay qof shaqeeya ee ku tunta lacagaha uu kasbado ama aad tahay mid qeyru masuul ah ee aan aduunkaba ka warheyn ee ku kor nool waalidkiis ama ehelkiisa ama aaminsan cideyda ayaa lacag heysata ee maxaan isku dhibaa ogow waxaad wadataa ceebaha ugu adage ee ay dumarku kugu liidi karaan,daajis' waxa ay ku leedahay Noqo qof isku filan oo kasban kara noloshiisa una halgan sidii aad u soo dhacsan laheyd baahidaada nolosha, ka shaqeey naftaada ahmiyadna sii xirfadaada si aad u noqoto nin dhameystiran, kadib waxaad noqoneysaa naag walbo dooqeeda.
Halyeey: hadii aad tahay fulay orod dheer oo aan wajihi Karin dhibaatooyinka nolosha aduunka yaala waxaan ka xumahay inaan ku iraahdo dumarka xagooda waad ka qaday,hadii ay nasiibkaaga noqotana waxaad ku nooshahay kalsooni daro iyo yasmo. Side ku rabtaa in ay xaaskaaga ama gacalisadaada nafteeda kugu aaminto hadii aadan ka difaaci Karin culeysyada mustaqbalka imaan kara. U dhaqan sida geesi.
Deeqsi: Ma tahay qof deeqsi ah oo aan gacantiisa dun iyo cirbid lagu tolin? Dhaqanka naxariistinimo wuxuu dhaqaajiyaa qalbiyada, daajis waxa ay ku leedahay marwalbo u dhaqan si deeqsinmo ah qof walbo oo agagaarkaaga ku nool. Haweenku aad ayey u jece yihiin raga qalbigooda weyn yahay ee dareema dhibaatooyinka dadka kale qabaan.
Hadii aad tilaabooyinkaan si taxadir leh aad u sameyso waxey kuu fureysaa qalbiyada haweenka aad jeceshahay inaad mustaqbal la wadaagto.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada