Soomaalida ku nool Dalka New Zealand oo soo wajahday wel wel iyo cabsi ku saabsan sharci cusub..(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Soomaalida ku nool Dalka New Zealand oo soo wajahday wel wel iyo cabsi ku saabsan sharci cusub..(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Soomaalida ku nool dalka New Zealand ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday wel wel iyo cabsi ku saabsan sharci dhawaantaan ka hirgali doono dalkaas oo looga mamnuuci doono xawaaladaha kana hor istaagi doono inay lacago u diraan qoysaskooda ku nool dalka Soomaaliya. 




Soomaalida ku nool dalka New Zealand ayaa waxaa la sheegay inay cabasho weyn ka muujiyeen sharci cusub oo la sheegay in lagula dagaalamaayo argagaxisada kaas oo dalkaas ka mamnuucayo in lacag loo diro wadamo ay ka mid tahay dalka Soomaaliya oo lala xiriirinaayo inay lacagahaasi ay gacanta u geli doonaan argagaxisada, dalka New Zealand ayaa bisha soo socoto waxaan la ogolaan doonin lacag loo diro dalka Soomaaliya iyadoona ay islamrkiiba bilaabeen Bankiyada dalkaas inay xiraan akoomo ay leeyihiin dad Soomaaliyeed oo laga shakiyey inay lacagaha u diraan dalka Soomaaliya iyadoona ay xireen sadexdii bilood ee la soo dhaafay ilaa iyo 15 akoon oo ay lahaayeen macaamiil Soomaaliyeed oo uu ku jiro nin lagu magacaabo Adem Deer oo ahaa wakiilka shirkada xawaalada Tawakal Express ka dib markii lagu soo eedeeyey lacag diridaas. 

Ugu danbeyntiina iyadoo ay Soomaalida ku nool dalkaas New Zealand ay arintaas cabasho weyn ka muujiyeen oo ayna sheegeen inay qooysaskooda ku nool Soomaaliya ay u diraan lacagtaas, islamarkaana ay codsiyo u direen dowlada dalkaas inay dib uga fiirsato sharcigaas cusub ayaa afhayeen u hadlay bankiga dalkaas New Zealand ee BNZ waxaa uu sheegay inuu dareemi karo cabashada dadka Soomaaliyeed laakiinse uu waxba ka qaban karin arintaas oo ayna tahay inuu ilaaliyo sharciga hadii kalese ay ayagu qudhoodu ay soo wajihi karto dhibaato ay ka mid tahay in lagala noqdo ruqsadooda shaqo, Soomaalidaan ayaan la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan hadii uu dhaqan galo sharcigaas la sheegay in lagula dagaalamaayo argagaxisanimada laakiin dhib weyn ku ah masruufka Soomaali badan oo ku nool dalka gudihiisa. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada