U Gaar Ah Ragga Dhawaan Aqal Gali Raba ! Talooyin Cajiib Ah Ayaa Loo Hayaa.

U Gaar Ah Ragga Dhawaan Aqal Gali Raba ! Talooyin Cajiib Ah Ayaa Loo Hayaa.

daajis.com:-Waxaa badan in laga hadlo caruusada quruxdeeda iyo isdiyaarinteeda, dadku aad ayey uwaaniyaan oo talo badan ayey siiyaan caruusada, laakiin miskiinka cariiska ah wax la hadla ayuu waayaa, ama waxaa dhici karta in dadku is yiraahdaan caawimo uma baahna oo wuu isdabari karaa, waxayse iloobeen inuu ubaahanyahay talo iyo nasteexo.
Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa nasteexooyin lagu talo siiyo ninka guursanaya, waxaana ka mid ah.
Arooska ka hor waxaad sameysaa:
Akhriso shariicada waxay ka sheegtay guurka, fiqhiga guurka iyo axkaamtiisa, aadaabta, xaqa lagugu leeyahay iyo xaqa aad leedahay baro, taasi waxay caawisaa in mashaakilku yaraado.
Buugaagta ka hadlaysa dumarka nafsiyadooda iyo jirkooda akhriso, si aad ubaratid dumarka siduu ilaahay u abuuray, waxayna kuu fududaynaysaa sida aad ula dhaqmi lahay caruusadaada. Waxaana ugu fiican inaad soo iibsatid, hadaadse awoodi waydo soo amaaho.
Soo iibi hadiyad wax yar qaali ah si aad caruusada u siisi habeenka ugu horaysa ee aad aqal galaysid, qolka jiifka markaad kaligiin noqotaana sii. Taasi waxay ka caawinaysaa in caruusadu walwalka iyo baqdinta haysa ka yaraato.
Todobaad kahor waxaad sameysaa:
Diyaar ha kuu ahaado dharka aad xiran lahayd maalinta arooska, iyo udgoonka aad marsan lahayd.
Ninka kuu hagaajinaya timaha iyo garka sii balanso xili fiican.

Soo iibso dharka ugu qurxoon ee aad ku joogi lahad guriga, siiba maalinta ugu horeeysa waa inuu ahaada bijaamahaagu ka ugu fiican.
Wajigaaga nadaafadiisa iyo hagaajintiisa sii bilow, inaad subax kasta markaad soo kacdid ku dhaqdid wajiga sabuunta loogu talagalay wajiga, kadibna marisid kareem loogu talagalay wajiga. Habeenkiina sidoo kale samaysid.
Udgoon badan soo iibso si habeen walba caruusadaadu kaaga uriso udgoon ka duwan kii habeenkii hore. Waxaa la yiri sanku wuxuu ka helo qalbiga ayuu u furaa.
Maalinta arooska waxaad sameysaa:
Hurdo fiican oo kugu filan seexo, si aysan kaaga muuqan daal iyo tacab.
Markaad soo kacdid qubayso, oo jirkaaga oo dhan mari kareem, kadib udgoon marso.

Fariiso oo naso intaadan bixin, ku fakar maxaad ku oran lahayd caruusadaada?, sideed qalbigeeda aad ku soo jidataa?, sideed cabsida uga saari doontaa? Sideed romaantik unoqan lahayd?.
Si fiican u qadee, sababtoo ah waxaa dhici karta inaadan cashayn markaad aqal gashid, sababtoo ah haday caruusadu diido inay casheeyso ma cashaynaysaa kaligaa!! waa maya.
Habeenkii markaad caruusada kaligaa la noqotid:
Markaad la kulmaysid caruusadaada ama aad kaxaysanaysid, bisinka akhriso. udhoola cadee, uqosol, gacanteeda qabso adoo hadal macaan ku oranaya sida ?waan kuu soo xiisay xabiibti? ama ? adiga hadaan ku helay wax iga maqan aduunka ma jiro? IWM.
La soco in caruusadu waxa ay ubaahantahay habeenkaas ay tahay naxariis iyo xasilooni aad siisid iyo jacayl, markaa ufiirso hadalada iyo taabashadaada.
Guriga markaad gashaan oo aad kaligiin noqotaan, waxaad siisaa caruusada waxay cabto, inta ay wax cabayso la hadal oo isku day inaad ka qoslisid ama hadal macaan maqashiisid.
Dhunko markaad guriga soo gashaan, u muuji inaad ku faraxsantahay iyada, hadal ahaan ku muuji, mar walba in yar marka laga soo warego dhunko caruusadaada.
Sii fursad caruusadaadu inay kaligeed labisato oo isku ka diyaariso, ha oran maxaad iiga xishoon ninkaagii ayaan ahaye!!!.
Adigana dharkii kuu diyaarka ahaa xiro, oo udgoonna marso, cashadana soo dhig, soo fariisi caruusadaada, haday cashada kaa diido inay cunto adiga afka ugu gur adoo naxariis muujinaya.

Qolka hurdada markaad kaligiin noqotaan sii hadiyada aad udiyaarisay ee aan soo sheegnay.
Inta aydan xaajadiina gudan waa inaad siisaa naxariis badan iyo dhunkasho, si naxariis leh u taabo, fiiri xaaladeeda oo dhagayso waxay ku tiraahdo, una tudh haday baqayso ama ay walwalsantahay, ihtimaam sii dareenkeeda.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada