Wakiilka Bale: Gareth Bale Waa Uu Ka Fiican Yahay Neymar, Waana Dhageysan Doonaa Dalabka Real Madrid.

Wakiilka Bale: Gareth Bale Waa Uu Ka Fiican Yahay Neymar, Waana Dhageysan Doonaa Dalabka Real Madrid.

daajis.com:-Real Madrid ayaa diyaar u ah inay soo gabagabeyso xiisaheeda mudada dheer ee Gareth Bale iyadoo wakiilka xiddiga Spurs uu sheegay inay dhageysan doonaan dalab kasta oo ka yimaada kooxda reer Spain.

Real ayaa ciyaaryahanka reer Wales waxa ay ka dhigatay muhiimadooda koowaad xagaagan suuqa kala iibsiga ka dib markii ay seegeen xiddiga reer Brazil Neymar kaasoo go’aansaday inuu ku biiro kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.
Wakiilke Bale, Jonathan Barnett ayaa u sheegay Barnaamij ka baxa Tv Isbaanish ah Futboleros inay dhageysan doonaan hadii madaxweynaha Real Florentino Perez uu soo waco.
Barnett ayaa yiri: ‘Haddii qof sida Mr Perez uu xiiseynayo Bale waxa ay ahaan laheyd sharaf weyn. Waana dhageysan doonaa.
“Cidna lama hadleyno… Bale waa uu ka fiican yahay Neymar. Waa uu cadeeyay inuu ka fiican yahay Neymar. Waxaana uu taas ku cadeeyay horyaalka ugu fiican adduunka.
“Waxaan rajeynayaa in kooxda kasta oo dooneysa, ay u dooneyso si rasmi ah oo aysan aheyn inay waayeen Neymar. Waxaan ku fekerayaa inuu yahay dooqooda koowaad.
“Dhageyso, waa waali laakiin wax walba oo uu yahay qiimaha Neymar, Gareth Bale waxa uu u qalmaa in ka badan.”
Wargeysyada Isbaanishka ee Marca iyo AS ayaana saaka cadadkoodii soo baxay boga hore ku soo sharaxay sawirada Bale.
Marca ayaa ku tilmaamtay ceyrsashada Real ee Bale ‘Howlgalkii Zidane’, halka AS ay iyadana bogeeda hore ku soo qortay ‘Bale waa xabada dahabka ah’.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada