Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Twitter-kiisa Qoraal Cajiib ah uga diray Midowga Africa (Akhriso Nuxurka).

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Twitter-kiisa Qoraal Cajiib ah uga diray Midowga Africa (Akhriso Nuxurka).

daajis.com:-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa waxa uu Warqad Qoraal ah ka dhex diray Bogga Twitter-ka ku leeyahay Aallada Interneedka isagoona u diray Urur weynaha Midowga Africa.

Qoraalka uu diray Axmed Siilaanyo, ayaa waxa uu ku saleysnaa in Maamulkiisa Somaliland uu rajeynaayo in Cod Aqlabiyad ah Ururka Midowga Africa ku taageeraan sidii Somaliland uga madaxbanaanaan lahaayeen Somalia inteeda kale.

Sidoo kale, waxa uu Qoraalkiisa ku sheegay Axmed Siilaanyo in Somaliland aysan Somalia ka goosan, balse ay dooneyso inay dib u soo ceshato Xorinimadeeda, isagoona Qoraalkiisa shaaca uga qaaday in Xorinima doonka Maamulkiisa uu horay u ahaa mid waligii taagnaa sida uu hadalka u qornaa.

Wuxuu Qoraalkiisa ku cadeeyay in Maamulka Somaliland ay ka go’an tahay inay helaan Ictiraaf Caalami ah, isagoona Tilmaamay in Midowga Africa looga baahan yahay inay buuxiyaan Kaalinta uga banana dhanka Xorinima doonka Somaliland.

Ugu dambeyntii, waxa uu Warqadiisa ku sheegay in Shacbiga Somaliland u taagan yihiin sidii ay u heli lahaayeen Ictiraaf Caalami ah, isagoona sheegay in Shacbiga oo kaliya aysan wax dhisi Karin Balse uu Maamulkiisa u bahan yahay Diplomaasiyiin aqoonsiga la baadi goobo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada