War deg deg ah: Kulan leesku mari la’yahay oo Garoonka Kismaayo ku dhex maraya wafdigii wasiirada ahaa iyo Axmed Madoobe.

War deg deg ah: Kulan leesku mari la’yahay oo Garoonka Kismaayo ku dhex maraya wafdigii wasiirada ahaa iyo Axmed Madoobe.

daajis.com:-Wararka laga helaayo garoonka Diyaarahada ee magaalada Kismaayo duleedkda dhaca ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan wadahadallo ay leeyihiin wafdiigi wasiirada ahaa ee halkaasi maalmahaan ku xayiraa iyo Axmed Madoobe, hogaamiya Jabhadda raaskanbooni.

Wada hadaladaan ayaa waxaa la sheegayaa in leesku mari la’yahay iyada oo laba dhinac ee uu u dhexeeyo mid waliba uu wato ajanda uu doonayo in uu hir-geliyo.

Wafdiga wasiirada ah ee xukuumada ka socda ayaa waxa ay ku adkeysanayaan in la hor-geliyo war-murtiyeedkii ka soo baxay urur gobaleedka IGAD ee ahaa in Muqdisho lagu qabto shir dib u heshiisiin loogu sameynayo dadka ku nool deegaanada Jubaland.

Axmed Madoobe iyo kooxda ay isku fikirka yihiin sida ku xigeenkiisa Fartaag ayaa waxa ay ku adkeysanaayn in ay doonaaan in Jubaland dowladu la shaqeyso oo aan la fara gelin.

Lama oga sida ay isku fahmi doonaan wafdiga wasiirada ah iyo kooxda Axmed Madoobe iyada oo ay xusid mudantahay in Raaskanbooniyiintu ay horay ula dagaaleen Shabab kadib markii ay isku fahmi waayeen maamulka Kismaayo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada