War Deg deg: Madaxweynaha Somalia oo amar Deg deg ah ku bixiyay in Ciidamada Kenya iyo Ethiopia ka baxaan Dalka .

War Deg deg: Madaxweynaha Somalia oo amar Deg deg ah ku bixiyay in Ciidamada Kenya iyo Ethiopia ka baxaan Dalka .

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu amar ku bxiyay in ciidamada Kenya ay ka baxaan dalka Soomaliya kadib markii ay soo bateen dhibaatada ay ku hayaan siyaasada murugsan ee dalka.

“48 saac gudahood dalka ha uga baxaan ciidamada Kenya, sidoo kale ciidamada Ethiopia dalka haka baxaan”, war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay.

“Dowlada Soomaaliya uma dul qaada karto xad-gudubyada ciidamada Kenya iyo Ethiopia ay ka wadaan gudaha dalkeenna sidaa darteed waxa aan amreynaa in 48 saac ay uga baxaan gudaha dalkeenna oo ay xuduudaha dalkooda ku tagaan”, hadalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay.

Hadalkan kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri, “Soomaaliya waa ka dhamaaday dul-qaadkii, Ciidamada Kenya markii horaba waxa ay ku soo galeen Sharci Darro. Hadana in badan ayeey u diideen saraakiil dowlada ka socota in ay galaan gudaha Kismaayo”.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada