Saddexda Mobile ee ugu sarreeya dunida Smartphone ee Maanta (Video)

Saddexda Mobile ee ugu sarreeya dunida Smartphone ee Maanta (Video)

daajis.com:-Taleefoonada Smartphoneka loo yaqaan waxay maanta ka mid yihiin nolosha caadigaa ee aysan dadweynuhu ka maarmi karin, iyadoo ay boqlaal nooc oo kala duwan sannad walba ay soo saaraan shirkadaha taleefoonadaan sameeya.
Apple, Samsung, HTC, Motorolla, Blackberry, LG iyo comapaniyo kale oo fara badan ayaa ku lagdamaya barxaddaan, waxaase loolanka ugu adagi u dhexeeyaa Apple, Samsung iyo HTC oo iyadu bilaan kusoo biirtay sifiicanna uga dhexmuuqatay.

Apple Iphone 5, Galaxy S4 iyo HTC One ayaa saddexdaan shirkadood miiska u saaran, iyadoo shirkad walba sheeganayso in taleefonkoodu ugu fiicanyahay taleefoonada Smartphoneka ee maanta.
Iphone 5, ayaa muuqaal ahaan iyo farsamo ahaanba ka duwan noocyadii hore ee Iphoneka, wuxuuna miiska la yimid Screen 4.0 Ing ah, A6 Dual core 1.0GHz Processor, 1 GB oo Ram iyo 16,32, ama 64 GB oo mugga gudaha aan la badin karin ah (Interner Memorry). Galaxy S4 oo isagu ka danbeeyey Iphone 5 wuxuu ku fadhiya muraayad 5 Inch ah, 8 cors oo processor ah, 2 GB oo Ram ah, iyo 16,32, ama 16 internal memory ah, waxaase intaas usii dheer inaad mugga taleefonka kusii darsan karto ilaa 64 gb oo dheeraada maadaama uu leeyahay external memory. HTC One ayaa sidoo kale xawaaraha iyo xisaabta u dhow Galaxy S4, laakiin wuxuu muqaal ahaan iyo dhisme ahaan u egyahay Iphone 5.
Waa uluminum qurux badan oo dad badani aaminsanyihiin inuu yahay taleefonkii gacanta ee ugu qurux badnaa ee Abid lasoo saaro. Waxaa kaloo xusid mudan inaan HTC One lahayn external memory iyo removable battery toona. Apple IOS 6 iyo Android Jelly bean ayaa ku kala jira taleefoonadaan.
Kee ugu badan uguna fiican taleefoonadaan?
Waa su’aal ay dadweyne fara badan iswaydiinayaan, jawaabtuna waxay marwalba ku xirnaanaysaa sida aad taleefoonka u isticmaashid iyo muuqaalka aad rabto in taleefonkaagu yeesho:
Muuqaal ahaan iyo qurux ahaan saddexdaan taleefon waxaa ugu qurux badan HTC One, haddiise aad rabto camerada ugu fiican, mug weyn oo aad taleefonka ka bixin karto markii aad u baahantahay (Removable SD CARD) iyo sidoo kale Removalbe Battery, choicekaagu wuxuu noqonayaa Galaxy S4. Haddiise aad rabto taleefon ay aad u fududahay sidaad u iticmaasho islamarkaasna yar oo jeebkaagu uusan dareemayn, Iphone 5 weeye choicekaagu….


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada