David Silva Oo Hawada Ku Laalay Wararka Sheegaya In Xagaagaan Uu Ka Tagayo City

David Silva Oo Hawada Ku Laalay Wararka Sheegaya In Xagaagaan Uu Ka Tagayo City

daajis.com:-Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Man City David Silva ayaa carabka ku adkeeyay in uusan ka socon kooxda City xagaagaan inkastoo ay jiraan warar la xariirinaya in horyaalka Spain uu uu dib ugu laabanayo.

“Hishiis ayaan City kula jooga , waana ku faraxsanahay , sida aan horay u sheegay waxaan doonayaa in aan halkaan sii joogo” ayuu yiri Silva .
Waxa uu qiray in xilli ciyaareedkaan soo xirmay uu City u yahay mid aad u xanuun badan balse xilli ciyaareedka dambe ay ka duwanaan doonto ayna ka go`an tahay in horyaalka ay qaadaan .
Farxad ayuu ka muujiyay in mar kale looga yeero qaranka Spain ee ka qeyb galaya tartanka koobka qaaradaha aduunka ee dhawaan ka furmaya dalka Brazil .
Waxaa la xusayaa in 27-sano jirkaan uu ku biiray City xagaagii 2010-ka waxa uuna door weyn ka qaatay in City xilli ciyaareedkii hore qaadaan horyaalka markii ugu horeeysay tan iyo sanadkii 1968-dii.
Man City ayaa xilli ciyaareedkaan ku dhameysatay kaalinta labaad iyaga oo keenay 78-dhibic halka United-na ay horyaalka ku qaadeen 89-dhibic .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada