Roberto Martinez Oo Ka Tagaya Wigan Si Uu U Qabto Shaqada Kooxda Everton.

Roberto Martinez Oo Ka Tagaya Wigan Si Uu U Qabto Shaqada Kooxda Everton.

daajis.com:-Roberto Martinez ayaa ku dhow inuu ka tago Wigan Athletic ka dib kulan uu la qaatay gudoomiyaha kooxda Dve Whelan.

Whelan ayaa xaqiijiyay in Everton ay weydiisatay ogolaansho ay kula hadlaan tababare Martinez si uu u buuxiyo booskiii uu baneeyay David Moyes.

Bilowgii bishaan kooxda Wigan ayaa ku guuleysatay FA Cup markii ugu horeysay taariikhdooda, laakiin isbuuc ka dib waxa ay ka hareen Premier League.
Whelan ayaa yiri: “Waxa uu doonayay ogolaansho uu ku baxo, sidaasi darteed waan siiyay.
“Waxaan qandaraaskiisa uga hartay 12 bilood, sidaasi darteed cid walba oo dooneysa waa inay bixiso magdhow gaaraya 2 milyan ginni oo ah inta ka harsan qandaraaskiisa.
“Waxa uu dareemayaa inuusan aheyn ninkii dib noogu soo celin lahaa Premier League. Waana inaan aqbalo waxa uu dareemayo.
“Waa uu jecel yahay Wigan iyo taageerayaasha. Waa inaan horusoconaa oo aan raadsanaa cidii bedeli laheyd.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada