Radamel Falcao Oo Tijaabada Caafimaadka U Maray Monaco.

Radamel Falcao Oo Tijaabada Caafimaadka U Maray Monaco.

daajis.com:-Weeraryahanka Atletico Madrid Radamel Falcao ayaa tijaabada caafimaadka u maray kooxda Monaco isagoo u saxiixi doona heshiis afar sanno ama shan sanno ah kooxda haatan ku soo laabatay Ligue 1.

Ciyaaryahanka reer Colombia ayaa lagu soo waramayaa in heshiiskiisa ay qeyb ka noqon doono isafgarad ah inuu kooxda ka tagi karo sannadkiisa ugu horeeya hadii uu doono.
Wakiilka Falcao, Jorge Mendes iyo milkiilaha Monaco Dmitry Rybolovlev ayaa weli ka sii xaajoonaya inta ka hartay heshiiska.
Falcao ayaa qaadan doona 10 milyan euros xilli ciyaareedkii ka dib canshuurta, taasoo ah seddex jibaarka lacagta uu haatan ku qaatao Vicente Calderon.
Atletico Madrid ayaa ku heli doona ciyaaryahanka lacagta lugu burburinayo qandaraaskiisa oo gaareysa 60 milyan euro. Waxaana cajiib ah in la tilmaamo in Monaco ay horyaalka heerka labaad ku soo qaaday ciyaartoy marka qiimahooda la isku darro ay gaarayaan 60 milyan euro.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada