Tottenham Oo Wadahadalo Ku Aadan David Villa La Furtay Barcelona.

Tottenham Oo Wadahadalo Ku Aadan David Villa La Furtay Barcelona.

daajis.com:-Tottenham ayaa wadahadalo 10 milyan ginni ay ku dooneyso weerarka Barcelona David Villa furtay, waxaana ay sidoo kale dib u soo cusbooneysiiyeen xiisahooda ciyaaryahanka mudada dheer diirada u saarnaa Leandro Damiao.

Jariirada Daily Mail ayaa sheegeysa in Andrea Villas-Boas uu xiiseynayo inuu gacanta ku soo dhigo weeraryahankaan si uu u xoojiyo weerarkiisa xilli ciyaareedka soo socda.
Kooxda Nou Camp ka dhisan ayaa u furan inay iska iibiso David Villa xagaagan, kaasoo ay sii yaraaneyso fursadsa uu u heli karo boos joogta ah, laakiin waxa ay doonayaan lacag ku dhow 12 milyan ginni.
Gudoomiyaha Tottenham Daniel Levy ayaan dooneynin inuu bixiyo lacagta ay dooneyso Barca, laakiin waxa uu rajeynayaa inuu wadahadal ka geli karo qiimo ka yar intaas.
Arsenal ayaa muddo dheer xiiseyneysay Villa, laakiin waxaa haatan la fahamsan yahay in Arsene Wenger uusan muhiimad siineynin.
Spurs ayaa sidoo kale dib u furtay wadahadalo ay ku dooneyso xiddiga reer Brazil ee kooxda Internacional Damiao, iyagoo ku doonaya 18 milyan ginni.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada