Fitamiino Dhowr Ah Oo Cayilka Iyo Culeeska Jirka Yareeya!!

Fitamiino Dhowr Ah Oo Cayilka Iyo Culeeska Jirka Yareeya!!

daajis.com:-Yareeynta Miisaanka ama Culeeska jirka waa Mushkilad wayn oo heysata Dhamaan Dadweynaha. Qof kastana wuxuu ku dhaqaaqaa Tallaabo gaar ah si uu arrintaas xal ugu helo.

Arrimaha ay Dadku sameeyaan qaarkood kuwo Caafimaadka u wanaagsan weeye, qaarna waa kuwo halis Caafimaad keeni kara.

Balse halkan waxaan Maanta ku heynaa Warbixin ay Shabakado Arrimaha Caafimaadka ka hadla qoreen, kuwaas oo soo bandhigay Fitamiino dhowr ah oo yareeynta Culeeska Jirka sahlaya.
Fitamiinadan waxay gubayaan Subaga Jirka, si ay u yareeyaan Xeeyrta iyo Hilibka faraha badan ee Qofka cusleeynaya. Sidaas oo kalena waxay Gacan ka geeystaan habeeynta Howsha Dheef Shiidka.
Fitamiinadan waxaa ugu horeeya Is-dul saarka Fitamiin B oo ka kooban 8 Fitamiin, kuwaas oo yareeynta Culeeska qayb ka qaata, Jirkana ka caawiya inuu Xeeyrta is dul fuusha u badalo Tamar iyo awood uu Qofku ku shaqeeyo.
Fitamiinkan Beerka ayuu ka caawiyaa inuu ka taqaluso waxyaabaha Sunta ku ah jirka, isla markaana uu hagaajiyo Dheef Shiidka.
Fitamiin D ayaa isaguna ka mid ah kuwan, wuxuuna si habeeysan Jirka uga taageeraa luminta qaybo badan oo Culees ah, maxaa yeelay si deg deg ah ayuu u dhuuqayaa Calcium-ka.
Fitamiin C, isna waxaa weeye mid kale oo yareeynta Culeeska ka qayb qaata, kaas oo xoojiya samaynta Dhaq-dhaqaaqyo Jir dhis ah (Exercise), sidoo kalena kordhiyaa Tamarta iyo gubista Xeerta.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada