Madaxweynaha Real Madrid Oo Ka Hadlay Ku Hungoobidii Neymar, Mustaqbalka Ronaldo & Alonso, Iyo Hadii Messi Uu La Soo Wareegi Lahaa.

Madaxweynaha Real Madrid Oo Ka Hadlay Ku Hungoobidii Neymar, Mustaqbalka Ronaldo & Alonso, Iyo Hadii Messi Uu La Soo Wareegi Lahaa.

daajis.com:-Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska Neymar ay kaga bixi laheyd kooxda lacag gaareysa 150 milyan euro, hadii ay la soo wareegi lahaayeen xiddiga reer Brazil.

Kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu ayaa dooneysa inay 21 jirkaan keento caasimada Spain, laakiin ciyaaryahanka ayaa ugu danbeyn ka doortay inuu u dhaqaaqo Barcelona.
“Heshiiska Neymar waxaa kooxda kaga bixi laheyd 150 milyan euro” ayuu Perez u sheegay Cadena Ser.

“Waxaan fursad u heysanay inaan la soo saxiixano seddex sanno ka hor, laakiin haatan sharuudo badan ayaa ku xirnaa.”
Madaxweynaha Madrid ayaa markaasi ka dib ka hadlay fekerkiisa ku aadan in Cristaino Ronaldo uu yahay xiddiga ugu fiican adduunka, inkastoo uu qirtay inuusan ka labalabeyn laheyn hadii fursad loo siiyo inuu la soo wareego Lionel Messi.
“Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka. Waxaan jeclahay inuu noqday ciyaaryahanka ugu mushaharka badan, islamarkaana aan isaga ka hareer dhisno kooxda.
“Messi? hadii aan fursad u heli lahaa, dabcan waan isku dayi lahaa inaan la soo wareego..”
Perez ayaa sidoo kale waqti u qaatay inuu kaga hadlo mustaqbalka Xabi Alonso kaasoo lala xiriirinayay isbuucyadii u danbeysay inuu ka tagayo Madrid.
“Waan ku faraxsanahay Xabi Alonso. Inaan helno bedelkiisa mustaqbalka dhibaato ayay inagu noqon doontaa, laakiin waxaan rajeyneynaa inuu sannad kale ama wax ka badan nala sii joogo.”
66 jirkaan ayaa markaasi ka dib sheegay in Madrid aysan weli wax dalab rasmi ah ka helin Juventus oo ku aadan saxiixa Gonzalo Higuain, halka uu sheegay inay dib kala  soo wareegi doonaan xagaagan kooxda Bayer Leverkusen Dani Carvajal.
“Juventus wax dalab rasmi ah weli kama aysan soo gudbin Higuain.
“Carvajal? Waxa uu ku soo laaban doonaa Real Madrid xagaagan.”
21 jirkaan daafaca ah ayaa ka tagay Madrid kuna biiray Leverkusen sannadkii hore, laakiin Los Blancos ayaa ka faa’ideysaneysa heshiiskii ahaa inay dib u la soo wareegi karaan, iyagoo kooxda ku soo celinaya xagaagan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada