Haweeneey Soomaliyeed oo Dalaaqadeeda Ku Gadatay 6-kun Oo Doolar

Haweeneey Soomaliyeed oo Dalaaqadeeda Ku Gadatay 6-kun Oo Doolar

daajis.com:-Dalka Keenya Wararka ka imaanaya ayaa waxa ay sheegayaan in Meymuun cali oo ah Haweeney somaliyeed oo Ganacsi ku Leh Magaalada Neyroobi ay 6000 Doolar ku Gadatay Dalaaqadeeda.

Haweeneydaan ayaa lasheegay ninka Furay in uu Qabay Mudda 2 Sano ah Waxa ayna u Dhashay Hal Wiil, Sida uu Kusoo waramayo Wariyaha Shabakdda daajis.com ee Magaalada Neyroobi.
Hayeshee Arinta Furiinka Keentay ayaa lagu sheegay in ninka uu ahaa nin Muqayil ah oo Habenkii Seq Dhexe imaanaya Hoygiisa una war Heyn waxa ay ku Sugan Tahay Xaaskiisa Iyo Cunugiisa yar.
Maymuun ayaa Reerkeeda iyo Reerka ninkeeda uu Ka Dhashay ku Wargelisa in Laga Fura Ninkeeda aan Kawar Heyn, Hayeeshee ninka oo sheekadaas Lagu War geliyay ayaa ka Biya Diiday inuu Furo xaaskiisa, maadaama ay ubad isu dhaleen.
Buuq iyo is Jiidjiid ayaa la sheegay inuu sidoo Kale Ka Dhex Dhashay Labada ehel ee Wiilka iyo Gabadha iyadoo Aqirkiina ninkii Dalaaqooyinkii Laga Siistay $6000 (Lixdii Kun) Doolar ee uu sheegtay.
Lacagahan ay Madaxeeda ku Furatay Meymuun ayaa Lasheegay ineey iyada Iska Bixisay, Maadaama ay Ganacsiya Kuleedahay Magaalada Neyroobi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada