War Deg Deg Ah Diyaarad waxa ay tahay aan la ogeyn oo Goordhaw kusoo dhacday Buulo Mareer Holac iyo Qiiqna uu ka baxayo

War Deg Deg Ah Diyaarad waxa ay tahay aan la ogeyn oo Goordhaw kusoo dhacday Buulo Mareer Holac iyo Qiiqna uu ka baxayo

daajis.com:-Wararka aan hada ka heleyno Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi ee kusoo dhacday diyaarad ilaa hada aan la ogeyn waxa ee tahay.

Diyaarada ayaa kusoo dhacday meel Qiyaastii 4-Km ujirta Deegaanka Buulo Mareer oo lagu Magacaabo Beeraha Doonshaha waxaana lagu soo waramayaa in Diyaaradu marka ay soo dhacady ee durba gubatay.

Holac iyo Uuro ayaa wali Diyaarada soo dhacady ka baxaya , waxaana gabi ahaan hareeyay halka ee Diyaaradu kusoo dhacday Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo diiday in dadku u dhawaadaan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Diyaarada soo dhacday waxa ee tahay Goob joogayaal ayaa sheegaya in Diyaarada ay tahay mid lasoo riday oo nuuca Basaaska ah inkastoo aan warkaasi si toos ah loo hubin.

Lama oga Diyaarada lasoo riday waxa ay rasmiyan tahay sidoo kale lama hayo qasaaro in ay ka dhasheen Diyaarada ay dad saarnaayeen , wararka ayaana sheegaya in Diyaarada Al-Shabaab soo rideen inkastoo aysan jirin War kazoo baaxy dhinaca Al-Shabaab.


Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada