Aqriso Magacyada Soomaali siyaabo kala duwan Saacadihii lasoo dhoofay loogu Dilay K/Afrika iyo Maxkmadeynta Wiil Soomaali ah ..

Aqriso Magacyada Soomaali siyaabo kala duwan Saacadihii lasoo dhoofay loogu Dilay K/Afrika iyo Maxkmadeynta Wiil Soomaali ah ..

daajis.com:-Laba nin oo ganacsato Soomaaliyeed ayaa si yaabo kala duwan loogu dilay 24-kii saac ee laso dhaafay degaano ka tirsan Magaalooyinka Johannseburg iyo Petesburg ee dalka Koonfur Africa .

Alla ha u naxariistee Ahmed Ibraahim Nuur oo ahaa ganacsade ayay Burcad Koonfur Afrikan ah xabad madaxa kaga dhufteen isago saacado kadib u geeriyooday dhaawac xun oo soo gaaray degaan ka tirsan Magaalada Betersburg halka Maxamuud Geesood oo isna ku lahaa Dukaan tuulo hoostagta Johansseburg xilli boob xoogan loogu geysanayay ganacsto Soomaaliyeed halkaasi baangado iyo dhagaxaan kaga dhaceen madaxa iyo jirka intiisa kale dahawac halis ah oo kadib ugu geeriyooday,

Dilalka Dhaca iyo boobka dukaamaha ganacsiga ee soomaali ay Mudooyinkani dambe yaranayay ayaa haatan waxay u muuqanayaan kuwa dib u soo labanayaan iyadoo dhanka Dowladda Koonfur Afrika horay u ballanqaaday inay wax ka qabanayso dhibaatooyinka lagu haya soomaalida ganacsiyada kala duwan ku leh dalka koofur afrika,

Dhanka kale sagaal qofood oo Koonfur Afrikaan ah ayaa maanta kasoo muuqanaya maxkamadda ku taalla magaalada Pretioria kadib markii dacwad ka dhan ah boob ay u geysteen 14 Dukaan oo ay lahaayeen Soomaali Tuulada Deipsloot oo qiyaas ahaan 45 KM u jirta isla magaalada Johanssburg iyadoo Maxkamaddaasina ay barbar socotay Maxkamadd kale oo lasoo taagay nin ganacsade Soomaali ah oo isna lagu eedeeyay inuu dilay laba nin u dhashay dalka Zambabwe kadib markii ay isku dayeen inay dhac u geysteen sida uu sheegay,

Waxii Warar ah ee kusoo kordha amuurtan kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada