Askari Faransiis ah oo isna Midi lagu Qalay & Askarta lagu goowracayo dalalka Yurub oo sii xoogeeysatay!!(Daawo Muuqaal+Warbixin) !!

Askari Faransiis ah oo isna Midi lagu Qalay & Askarta lagu goowracayo dalalka Yurub oo sii xoogeeysatay!!(Daawo Muuqaal+Warbixin) !!

daajis.com:-Dalalka Yurub ugu awooda badan waxaa ka biloowday gowrac lagu ugaarsanayo dalalka ciidamada ay ka joogaan wadamada Ciraaq, Afghanistaan iyo Maali oo aalaaba ay ka dagaalamaan maleeshiyaadka ururka Al Qaacida . 


Maalmo yar ayaa ka soo wareegay markii gudaha dalka Ingiriiska lagu Qalay Askari ka tirsan Milatariga dalka Ingriiska oo si bareer ah maalin cad loogu dhex dilay mid ka mid ah wadooyinka xaafada Woolwich ee Magaalada London. 

Dilkaas oo buuq fara badan dhaliyay dhibaato weeyna u soo jiiday dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa mid nuucaas la mid ah waxa uu ka dhacay gudaha dalka Faransiiska ka dib markii Askari ka tirsan Milatariga Faransiiska Midi la galiyay. 

Askariga Faransiiska ah ayaa Mindida waxaa laga galiyay dhuunta waxaana durbadiiba goobta ka baxsaday ninka Mindida wax ku qalay oo lagu sheegay 30 jir asal ahaan ka soo jeeda waqooyiga Qaarada Africa. 

Madaxweeynaha dalka Faransiiska Mr.Francois Hollande oo ka qeeyb galay shirkii madaxda Africa uga socday magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa waxa uu falkaan ku tilmaamay mid waali ah wuxuuna ciidamada Milatriga dalka Faransiiska ka codsaday inay foojignaadaan. 

Shaki kuma jiro Cunsuriyiinta Qaarada Yurub inay ugaarsan doonaan dadka aanan waxba galabsan ee Muslimiinta ah kuna nool dalalka Yurub maadaama kooxaha taageersan ururka Al Qaacida ay bilaabeen inay Midi ku qalaan ciidamada dalalka dagaalka kula jira ururka Al Qaacida. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada