Daawo Sawirad tabarar la siinayay shaqaalaha wasaarada amaanka oo lagu soo geba-gebeeyay Xarunta CRD.

Daawo Sawirad tabarar la siinayay shaqaalaha wasaarada amaanka oo lagu soo geba-gebeeyay Xarunta CRD.

daajis.com:-Xarunta Hay’adda cilmibaarista iyo wada hadalka (CRD) ayaa lagu soo geba gebeeyay tababar casharro ay ka bixinayeen aqoon-yahanno Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Prof. Mahad-Alle.

Tababarkaan ayaa waxaa ka qayb-qaadanayay oo manta loo soo afmeray 30-ruux oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha, kuwaasoo isugu jira Rag iyo Dumar sheegayna in ay si wanaagsan uga faa iideesten maalmihii uu socday.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Mahdi Maxamuud Cali oo soo xiray tababarka ayaa sheegay in tababarkan sare loogu qaaday aqoonta shaqaalaha wasaaradda ee ka faa iistay intii uu socday uuna filaayo in sidaan ookale ay jiri doonaan siminaara kale si howsha wasaaradu ay u noqoto mid dhaxal gal ah.

“Howshan waa mid lagu doonayay in lagu kobciyo aqoonta shaqaalaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, waxaana lagu billaabay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha kuwaas oo sida wajiyadooda iiga muuqata ka aqoon wanaagsan maalintii aan furayay tababarkaan,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha.

Qaar kamid ah shaqaalaha qaatay Siminar-ka ayaa waxa ay aad ugu mahad-celiyen macalimkii casharada siinayay, FCA, CRD iyo Wasaarada arimaha gudaha oo ay sheegeen in ay si dhagal gal ah ugu faa’iideeyeen iyaga oo u rajeeyay in sidaan oo kale ay tababarada u sii joogteeyaan.

Agaasimaha waaxda maamulka ee wasaaradda arrimaha gudaha, Nuur Axmed Diiriye oo isaguna ka hadlay xiritaankii tababarka ayaa sheegay in tababarkan muhiimad gaar ah uu u lahaay shaqaalaha wasaaradda uuna filaayo wixii ay ka barteen in ay wax badan uag faa’iideyn doonaan shaqaalaha kale ee aan fursadaan helin.

Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in hay’adda CRD iyo FCA ay ka caawiyeen dowladda tababarkaan iyo kuwo kale oo la qaban doono, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka codsatay in hay’adahan ay u qabtaan shaqaalaha wasaaradaha dowladda tababarro kor loogu qaadayo aqoontooda iyaguna ay aqbaleen.

Gababagadii tababrka ayaa waxaa shahaadooyin lasiiyay dhamaan 30-kii xubnood ee qaatay Siminaarka oo muda sedax maalin ah uu uga socday Xarunta CRD.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



















Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada