DEG DEG. Wafdigii ka socday Dowladda oo loo diiday inay ka baxaan Kismaayo.

DEG DEG. Wafdigii ka socday Dowladda oo loo diiday inay ka baxaan Kismaayo.

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Magaallada Kismaayo ayaa sheegaya in Wafdigii ka socday Dowladda ee gaaray Kismaayo loo diiday inay ka duulaan Garoonka Kismaayo oo ay ku laabtaan Magaallada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Maamulka Kismaayo, Garabka Axmed Madoobe, ayaa waxaa lagu soo waramaaya in gowrdhow la gaarsiiyay Ciiddamadda Ammaanka Garoonka ee isugu jira Kenyatiga iyo Raaskambooni, laguna amray in Garoonka aysan ka duuli Karin Diyaarad sidda Wafdiga ka socda Xukuumadda Somalia ee uu Hoggaaminaayo Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Somalia.

Joojinta Duulimaadka Wafdiga Xukuumadda Somalia ee heerka Wasiir, ayaa waxa uu imaanaya, iyadoo Wafdiga ay Garoonka Kulamo kula qaateen Wafdigii horay u gaaray Magaallada Kismaayo, waxa ayna kawada hadleen Arrimaha Kismaayo inta ay ku sugnaayeen, waxaana soo ifbaxeysa in Maamulka Axmed Madoobe Kulankaasi lagu wiiqay iyadoona Gudigii uu Magacaabay Ra’isul Wasaaraha Dukumiintiga Akhbaar aruurinta ku wareejiyeen Wafdiga heerka Wasiir.

Dhanka kale, Diidmada iyo Go’aanka kasoo baxay Xafiiska Hoggaamiyaha is magacaabay ee Axmed Madoobe ayaa imaanaya kadib markii Wafdiga ay ka biya diideen inay la kulmaan Mas’uuliyiinta isku magacaabay Jubbaland, gaar ahaan 6-Lixda Madaxweyne oo uu kamid yahay Axmed Madoobe, halka ay ka filaayeen Garabka Axmed Madoobe inay la kulmayaan Wafdiga heerka Wasiir ee uu Hoggaaminaayo Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Somalia C/xakiin Fiqi
Sidoo kale, ilaa iyo hadda Wafdiga Heerka Wasiir ee ka socda Xukuumadda ayaan helin Macluumaad dhab ah oo ka hadlaaya Arrimaha Kismaayo iyo Khilaafka u dhexeeya Madaxdii is magacawday, markii laga reebo Macluumaadkii ay soo gubiyeen Guddigii dhawaan gaaray Kismaayo oo uu magacaabay Ra’isul wasaare Saacid.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la garaneynin si ay noqon doonto Xaaladda Wafdigaasi iyadoona uu socdaalkooda ku aaday Xilli uu Axmed Madoobe gaashaanka ku dhuftay inay la dagaalami doonaan Ciiddamadda Dowladda.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada