War deg deg ah: Mudanayaashii Waday Mowshinka xukuumada ka dhan ah oo ku hingoobay ujeedkoodii.

War deg deg ah: Mudanayaashii Waday Mowshinka xukuumada ka dhan ah oo ku hingoobay ujeedkoodii.

daajis.com:-Waxaa maanta dib ula laabtay mowshin ay wadeen xildhibaanno Soomaaliyeed oo waayahaan gadaal ka riixayay Mowshin ka dhan ahaa xukuumada Soomaaliya kadib markii ay aad u yaraadeen xildhibanadu kadib siyaasad xooggan oo loo adeegsaday kala fur-furitaankooda.


Kulanka maanta ka dhacay xarunta baarlamanka Soomaaliya oo lagu waday in mowshinka xukuumada ka dhanka ah looga doodo ayna soo xaadireen 200 oo xildhibaan ayaa waxaa uga dhawaaqay in ay ka tanaasuleen mowshinka xildhibanno tira yar oo ka soo haray xildhibanadii waday mowshinkaasi iyaga oo u sababeeyay in ay u arkeen shacabka in aysan dan u aheyn xilligaan

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliyeed Maxamamed Cusmaan Jawaari ayaa kahor inta aysan xildhibaanadaasi ka dhawaajin in ay ka tanaasuleen waxa uu sheegay in uu fashilamy Mowshinku kadib markii uu waayay xildhibaano buuxi kara tirada laga rabo in ay mowshin ka keeni karaan xkuumada oo ah shan meelood meel tirada guud ee xubnaha baarlamaanka.

“Waa fashilmay Mowshinkaasi. Xukuumaduna waa sii shaqeyn kartaa”, Jawaari aya cod dheer ku yiri.

Si kastaba, waxaa iska cad in xukuumada iyo madaxda qaranku ay ku guuleesteen in ay ka hor tagaan maja xaabintii xukuumada lala doonayay kadid dadaal dheer oo ay u galeen arintaasi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada