Daawo Sawirada:- Xarun ay muslimiinta ku lahaayeen Waqoyiga London oo la gubay

Daawo Sawirada:- Xarun ay muslimiinta ku lahaayeen Waqoyiga London oo la gubay

daajis.com:-Xarun ay Muslimiintu ku lahaayeen Waqoyiga London ayaa xalay la gubay iyadoo dhismahaas uu dabku baabi'iyay. 

Ciidamada dab damiska ayaa gaaray goobtas iyadoo booliska magaalada London ay sheegeen in ay baarayaan ciddii ka dambaysay dabkan.

Dabkaan ayaa loogaga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dad ka careysan dilkii loo geystay Drummer Lee Rigby oo ahaa askari British ah oo la dilay bishii hore Woolwich.

Xaruntan ayaa waxaa wax ka baranayay in ku dhow labo boqol oo Soomali ah,waxayna ahayd goob ay dadka Muslimiinta ee deegaanka ay ku taal ay ku cibaadeystaan kuna kulmaan.

Mudane baarlamaan oo deegaankaas laga soo doorto Theresa Villiers waxay falkaas ku tilmaantay dembi nacayb laga yaqyaqsoodo, waxayna bulshada ka codsatay inaysan oggolaan in xagjireyaasha rabshadaha doonaya ay dadka kala qaybiyaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada