Dowlada Soomaaliya oo loogu baaqay in ay Deg deg ugu yeerto Safriika Soomaaliya u fadhiya Dalka South Africa

Dowlada Soomaaliya oo loogu baaqay in ay Deg deg ugu yeerto Safriika Soomaaliya u fadhiya Dalka South Africa

daajis.com:-Cabdullahi Sheekh Xassan, Gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Dimuquraadiyada, ayaa waxa uu ka hadlay dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee kunool Koofura Afrika isaga oo waliba abaal loo galay shacabka dalkaasi muujiyay xilligii xor-nima doonka.

“Koofur Afrika Abaalkii aan u galnay waxa ay noogu megeen wax xitaa xayawaanka aan lagu fulin karin, Xilligii ANC ay xornimada doonayeen waxaa halkaan laga siiyay Diplomatic passports ay ku safraan si ay halgankooda u wadaan Waxaas oo dhan wey ilaaween,Dowlada Soomaaliya waa in ay ka dhiidhiso oo ay kala hadasho dowlada dalkaasi”. ayuu yiri Cabdullahi Sheekh Xassan.

“Waa in loo yeeraa safiirka Soomaaliyeed ee dalkaasi si uu uga jawaabo waxa dhacay iyo sababtii keentay, Labada dowladood waa dowlado xariir lahaa oo siman In laga gabado maaha waa in waxa ay sameeyeen Koofura Afrikaanka lagula xisaabtamo”, Cabdullahi Sheekh Xassan ayaa ku waramay.

Gobalada Koofur Afrika ayaa waxaa waayahaan ka socday dhibaata saf-mar ah oo Soomaalida lagu hayo arintaasi oo gaartay heerkii ugu sareeyay kadib markii lasoo bandhigay muuqaal Wiil Soomaaliyeed oo dhagax lagu dilay ee la jiidayo isaga oo qaawan.

Baaqa masuulkaan hogaamiya xizbiga mucaradka ah ayaa waxa uu la xariiraa baaqyo is-bada joog ah oo bulshada qeybaheeda kala duwan ka imaanayay oo ay kamid yihiin xubna baarlamaani ah oo dalbaday dibad bax arintaasi lagu diidanyahay in laga dhigo guud ahaan goobaha Soomalidu ku sugantahay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada