Hab Sahal Ah Oo Lamaanayaasha Uga Fogaan Karaan Dagaalada Dhex Mara Oo Lagu Hayo.

Hab Sahal Ah Oo Lamaanayaasha Uga Fogaan Karaan Dagaalada Dhex Mara Oo Lagu Hayo.

daajis.com:-Dagaalka dhexmara lamaanayaashu waa mid guud,waa y is dagaalaan wax muhiimad ah malaha sida ay isku jecel yihiin iyo waxa dhexmara.

Cadaadiska iyo dagaalka lamaanaha waxaa sabab u ah isku qanacsanaanta oo yar,dagalku wuxuu lamaanayaashu u ogolaadaa iney si wanaagsan isku fahmaan oo ay xalistaan arimaha dhexyaala iyo dhibaatooyinka ay qabaan,sikastaba ha ahaatee ka hortag la’aanta arimaha xasaasiyada abuura waxey isku bedelaan murano fogaada oo ka baxa gacantaada,waxaana uu gaaraayaa murankaas mid aan la xalin Karin.

Sababta ka dambeysa dagaalada dhexmara lamaanaha wey badan yihiin,laakin arimaha ugu horeeya waxaa lagu tilmaamaa iney ka mid tahay lacagaha.badanaa arintaan wey abuurtaa murano gaara meel xun lacagta darted,Markasta waxaa jira kala hadal qoysaska dhexdooda qaabka ay u qarashgareeyaan dhaqaalahooda,marka la is weydiiyo in la xisaabtamana waxaa imaaneysa in qof walbo si qaldan wax u fasirta.
Waxaad uga hortagi kartaa arintan inaad ahaato qof ka furfuran dhinaca lacagaha,islamarkaana aad si toos ah iskula shaqeysiin daqliga idiin soo gala.
Haku dagaalamin arin horey oo laga soo gudbay,kana fogow in aad ka doodin dagaalo hore looga soo gudbay iyadoo aan la xalin,hadii qof idiinka mid ah uu horey u lahaa xaas arimo la xiriira,arimahaas kuma fiicna in dib loo soo nooleeyo waxey ku wanaagsan yihiin in laga gudbo waxyaabaha aan la bedeli Karin,waayo waxey qeyb ka yihiin noloshaadii hore aad u soo martay,marka tagto daaye timaado uun ka qabo ayaa wanaagsan.
Maseyrka waxaa uu ka mid yahay dhibaatooyinka ugu badan ee sababa burburka qoysaska ama lamaanaha weli aan is guursan ee isjecel,dad badana waxey ku tilmaaman inuu qeyb ka yahay jaceylka haseyeeshee maseyrka xaddhaafka ah waa sun dhibaato u geysan karta naftaada iyo nafaha kale ee kugu xeeran,laakin si fudu ayaa looga fogaan karaa.
Xusuusnoow marwalbo in arintaa qofka nolol wadaaga ku laha waa qof naftiisa kuu gacangeliyey ee jaceyl inuu kula qeybsado qeyr iyo qasaaro,waxyaabaha maseyrka dhiirigeliya waxaa ugu horeeya kalsooni daro.
Hadii ay jirto arin aad shaki ka qabto waxey ku wanaagsan tahay inaadan la gamban oo aad u gudbiso xabiibtaada adigoon naftaada cadibin,kuna xisaabtan marwalba waxa aad qarsato wey ku qarsadaan, arin si fudud lagaaga shaki bixin karo hagaarsiin oo qalbigaaga haku caburin ilaa aad ka qaraxdo.
Xiriiro badan waxaa aad uga xumaada qaabkii ay ku wada shaqeyn lahaayeen,taasna waxaa ugu wacan waxaa aad u yar wadashaqeynta ka dhexeysa .
Xiriirada waxtarka leh waa kuwa si qoto dheer uga wadashaqeeya isku xernaanshahooda iyo iska warqabkooda,marka fariiso oo dhageyso lamaankaaga wada hadla,la qaado waqti fiican si aad u ogaatid waxyaabaha cusub ee soo kordha iyo xitaa waxa uu qofka kale ku fekeraayo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada