Waxaan rabaa In Aan guursado Oo Aan Ilmo Dhalo Laakin Gacaliyaheyga Uma Soo Jeedo.

Waxaan rabaa In Aan guursado Oo Aan Ilmo Dhalo Laakin Gacaliyaheyga Uma Soo Jeedo.

daajis.com:-Magaceygu waa falis axmed qayre waxaan ahay 19 jir waxaan dhawaan rabaa inaan bilaabo shaqo,wiil 22 jir ah ayaan saaxiibo nahay mudo 14 bilood ,laakin waxaan is garaneynaymudo afar sano ah ka hor inta aan bilaabin xiriirkeena.

Isaga waa 21 jir arday jaamacad wax ka barto, aniga weligeyba waxaa u sheegi jiray si waadix ah,ma rabo inaan waqtigeyga ku lumiyo wada socod,waxaan rabaa inaan mustaqbal dhisano, waxaan rabaa inaan isguursano,islamarkaana aan ilmo dhalno.

Weligey waxaan jeclaa inaan hooyo noqdo,kama wado aniga inaan hada hooyo horey ka noqdo laakin waxaan rabaa inaan waqtigeyga ka faa’ideyso intaan yarahay.
Gacaliyaheyga markii aan usoo bandhigay qorshaha aan mustaqbalka dhow ka damacsanahay wuu ila yaabay, mana rabo fikrada guurka ah ee aan aniga soo bandhigay,iskaba daaye inaan ilmo dhalno.
Aniga waan jeclahay mana rabo inaan kala fogaano,mana rabo wixii aan weligey ku fekeraayey inaan waayo, Ila taliya Maxaan sameeyaa? Sideen uga dhaadhiciyaa gacaliyaheyga arintaa?
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada