daajis.com:-Sida ay maanta qoreyso jariirada Daily Mail Jose Mourinho ayaa calaamadeystay shan ciyaaryahan oo uu xagaagan soo iibsado ku soo laabashadiisii labaad ee Chelsea.
Waxaana ciyaartoyda diirada u saaran la fahamsan yahay inay ku jiraan weeraryahanka Fiorentina Stevan Jovetic, weeraryahanka Manchester City Edin Dzeko, ciyaaryahanka FC Porto Eliaquim Mangala, burburiyaha kooxda AS Roma Daniele De Rossi iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Shakhtar Donestk Fernandinho.
Mourinho ayaa sidoo kale u cadeeyay Romelu Lukaku oo amaah uu ugu maqnaa West Brom ka soo laabtay inuusan dooneynin inuu mar kale amaah ku baxo. Kevin de Bruyne, oo doonaya inuu si joogta ah ugu biiro Dortmund ka dib marka amaahdiisa Werder Bremen ay dhacdo ayaa waxa uu la kulmi doonaa macalinka cusub ka hor inta uusan go’aan ka qaadan mustaqbalkiisa.
Mourinho ayaa wareysigii ugu horeysay ee uu bixiyay ka dib markii mar labaad loo magacaabay macalinka Chelsea uu sheegay inuu doonayo inuu horumariyo kooxda isagoo yiri: “Waxaan doonayaa inaan horumariyo kooxda, marka aan dhahayo horumarin dadka waxa ay ka fekerayaan inta milyan ee ay Chelsea qarashgareyn doonto.
“Laakiin waxaan ka wadaa inaan horumariyo shaqada. Shaqadeyda waa inay horumarisaa ciyaartoyda iyo kooxda dhamaanteed. Hadii aanan taasi sameynin kuma farxi doono nolosheyda.
‘Hadii ka dib marka aan horumarino kooxda aan soo iibsano labadoo ciyaaryahan markaas waa fantastik.”
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:30 and have

