Dhibane Jaceyl , Ila Tali : Ma Dareemin Qiimaha Nolosheyda U Laheyd Illaa Ay Iga Tagto !

Dhibane Jaceyl , Ila Tali : Ma Dareemin Qiimaha Nolosheyda U Laheyd Illaa Ay Iga Tagto !

daajis.com:-Magaceyga waa Ciise waxaan mudo 7sano ah isqabnay gabar la yaab leh,laakin ma garwaaqsan sida ay qof ku ool ah ay tahay ilaa aan nolosha nacsiiyey oo ay iga tagto oo ay furiin iga dalbatay.

Waxaan ku kalsoonaa ineysan iga tageyn weligey,si kasto aan u qaldanaa,ilaa aan waxwalbo oo qalad oo dhaco aan korka iyada ka saaro,anigoo xitaa xakameyn jiray dhaqdhaqaaqeeda .

Hada waxey joogtaa guriga ehelkeeda waxeyna dooneysaa inaan furo,mudooyinkan yare e ay iga maqan tahay waxaan dib u xisaabiyey sidaan ula dhaqmi jiray iyo ereyadii xanuunka lahaa ee aan u adeegsan jiray. Waxaan dib isu geeyey waxyaabaha ay ku wanaagsaneyd iyo ciladaha yaraa ee aan dagaalka ku abuuri jiray. Wax isqaadan kara ma’ahan runtii.
Waxey igu dhahay nolosheyda kuguma aamini karo ee aan is deyno. Aniga waan jeclahay waan ogahay inaan qaldanaa oo aanan uga mahadcelin daryeelkeedii naxariista badnaa,xitaa anigoo ka gardaran ayey in raaligelin jirtay sida inaan ciyaal ahay oo kale,mararka qaarkoodna kama ogolaan jirin raaligelintaas.
Waxey isku dayday iney ii sheegto inaan ka dhaafo xakameynta aan ku haayo,laakin aniga waan ku inkiraay inaan aniga sabab u ahay mashaakilka gurigeena ka dhex taagnaa ee aan aniga sabab u ahay.
Hada waxaan dareensanahay inaan dembiga aniga leeyahay oo aan sabab u ahay qofkii aduunka aan u jeclaa iney go’aan ku gaarto ineysan ila noolaan,waan hubaa iney doqonimo I qaaday. Qofka keliya ee nolosheyda dhisi kara waa iyada.
Sidee ku soo ceshan karaa oo aan uga dhaadhiyaan inaan hoyaad ka ahay gefkii aan u geystay? Ila tali fadlan , aqrista fadlan taladaada ha ahaato mid ku saleysan akhlaaqda , waa qof si dacaad u dhiban .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada