daajis.com:-*Waxaad igu tahay qof qaas igu ah,waxaad tahay farxada nolosheyda ,Ma ogtahay macaane adiga la’aantaa nolosha jeexeedi inuu maqan yahay.
*Tan iyo markaad nolosheyda ku soo biirtay waxaa buuxiyey farxad iyo xiiso,waan ku jeclahay in ka badan waxa dunida yaala.
*Ii xusuusnaaw sidii ubax udgoon ee aan caraftiisa laga maarmeyn si xusuusteena u soo celceliso waxwalbo oo labadeena na quseeya.
*Oraahda nolosheyda ayaa ah markii aniga aan ku jeclahay adiga waa waqtiga iigu wanaagsan dunida oo idil,waxaana rajeynaa ineysan dhamaan gacaliso.
*Jaceylku ma’ahan sidaad u ilowdo ee waa sidaad u cafiso,ma’ahan sidaad u dhageysato ee waa sidaad u fahanto,mana ahan sidaad wax u aragto ee waa sida aad u dareento,lagamana yaabo inaad si fudud ku sii deyso ee waa sidaad u ceshato qofkaas qaaska ah.
*Waxaan noloshaada ugu dulmeereystaa inaan ku siiyo jaceyl saafiya oo aasaaskiisu yahay daacanimo iyo isu qalbi furnaan.
*Dadku wey I weydiiyaan waxa kuu qaas ah ee aan kuu doon doono haseyeeshee sirta nolosha ayaa ah inaan kaa helo adiga, oo aan anigoo soo jeedo xitaa kugu riyoodo.ma jiro wax kale ay indhaheyga arki karaa ee kaalay ila qeyso nolosha.
*Waxaad ii nuuray maalinteyda oo dhan,codkaaga macaan iyo qosolkaaga waa nolosheyda,website-ka iska xir hadad wax aad qorto haysan daajis ka dhaaf xatooyada ,Waxaa ii tahay waxwalba,waana duceysnaa aniga markuu alle ii kaasoo diray adiga.
*Meel ka mid ah aduunka waxaa ku nool qof,kaasoo ku riyooda dhoolacadeyntaada, qofka aad uga helay joogidaada noloshada qiimaha leh,marka aad keli tahay xusuusnoow iney run tahay in qof uun meel ka mid ah aduunka ku nool uu adiga kaa fekeraayo.
*Qoraxda hadey soo baxday,dayaxana uu dhaco waxaan ka fekeraa in nolosheyda sidaan oo dhan u wanaagsanaan laheyn hadii aanan ku aqoon laheyn.
*Jaceylka waa waxa aan maalin walbo ka arko dhoolacadeyntaada,jaceyl waa waxa aad dareento iyo fariimaha qalbigaaga uu soo gudbisay dareen walba, erey walbo aad i tiraahdana waa igu sii kordhaa xiisaha aan kuu qabo ee kaala aan wadaagno maalin walbo jaceylkaab.
*Ereyadu kuma filna inaan kuu sheego sidaad qof cajiib ah u tahay,inkastoo aad riyada iyo soo jeedkaba deris igula tahay,waxaan arkaa anigoo kaa fekeraayo mashquul kasta oo aan maalintii ku jiro.Waan ku jeclahay guud ahaan sida aan hada ahay waana ahaan doonaa.
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:30 and have
            

