Atariishada Jiah Khan oo Is Dishay

Atariishada Jiah Khan oo Is Dishay

daajis.com:-Atariishada caanka ah ee Jiah Khan meydkeeda ayaa laga helay gurigeeda oo ku yaala magaalada Mumbia,waxaana la sheegay in meydkeeda uu u muuqday mid is dishay.

Jiah Khan oo 25 jir ayaa lagu soo waramaayaa iney isku dhexmarjisay gurigeeda sida ay warbaahinta India iyo tan caalamkaba sheegeen.

Atariishada hooyadeed iyo walaasheed ayaa xilliga ay arintan ay dhaceyso ku maqnaa iney soo dukaameystaan,waxaana atariishada looga tegay iyadoo keligeed guriga joogta markii ay soo laabteen waxey arkeen iyadoo xerag isku ceejisay taasoo naxdin iyo argagax ku noqotay qoyskan.

Booliska ayaa xaqiijiyey in Jiah ay is dishay,islamarkaana meydkeeda laga helay guriga hooyaded,waxaana ay sheegeen in la baari doono sababta ay isku dishay.

Jiah Khan oo magaceeda runtaa ahaa Nafisa Khan ayaa bilowday jilista aflaanta 2007dii iyadoo ku talaabsatay marxalad aad u sareysa, waxayna filmkeedi ugu dambeeyey soo saarta 2010, waxeyna dalka Hindia ka aheyd atariisho caan ah.

Jiah Khan waxey ku dhalatay magaalada New York ee dalka Mareykanka,haseyeeshee waxey ku soo kortay London,halkaas oo ay ku nooleyd ilaa ay u soo guurto Mumbai.

Atariishada ayaa la sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyey ay aheyd qof niyad jabsan arimo gaar ah,laakin waxey aad u xiiseyneysay iney markale jisho aflaan kale
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada