Fanaanada Tulisa Contostavlos oo la xeray

Fanaanada Tulisa Contostavlos oo la xeray

daajis.com:-Fanaanada caanka ah ee Tulisa Contostavlos ayaa la xiray iyadoo lagu eedeyey iney ku lug leedahay ka gacansiga muqaadaraadka ah.

Xariga ayaa yimid kadib warbixin shalay la soo bandhigay oo cadeyneysa in fanaanada ay la shaqeeyso qolyo ka ganacsada daroogada.

Booliska waxey sheegeen iney heleen macluumaad ku saabsan qofka daroogada faafiyo bartamaha London deegano ku xeeran. 

Booliska waxey sheegeen in ay soo xeraan nin 35 jir ah iyo gabar 24 jir ah kuwaas oo looga shakisan yahay iney daroogada ku gudbiyaan galas qamri ku jira.

Tulisa waxey horey uga tirsaneyd garsoorka barnaamijka Xfactor waxaana markii ay soo baxday fadeexadan dubada ay saameyn ku yeelatay shirkada dhowr ah oo ay heshiiso wadashaqeyn laheyd..


Sido kale afhayeenka Tulisa waa uu diiday inuu ka hadlo xariga fanaanada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada